Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ku tilmaameen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi hoggaamintiisu inay dalka baabiisay, isla markaana u xuub-siitay keli taliye bur-buriyay dumuqraadiyadii tacabka badan ay Somaliland gelisay.


Guddoomiye, Faysal, wuxuu sidaa ka sheegay mar ay maanta Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo ay wada joogaan warbaahinta u akhriyay war-murtiyeed ay wada jir usoo saareen, isagoo markii uu Guddoomiye Cirro dhamaystay hadalka la wareegay Mikitafoonada, isla markaana si cadhaysan uga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalku marayo iyo arrimaha socda oo uu sheegay inay ceeb ku yihiin qaranimada Somalialnd.


Eng. Faysal, wuxuu Madaxweye Biixi kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ku macneeyay mid dhaqaale loogu balanqaaday, wuxuuna ku sifeeyay Madaxweyne Biixi Nin Masayrkii Umadda ku iibsaday shilimo yar, isagoo yidhi, “Shan iyo Afartan Miridh oo ay wada joogeen Farmaajo ayuu Dalkii Somaliland ku xaraashay Madaxweyne Biixi, Farxadii ayuu Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia ku tegey Imaaraadka oo yidhi, “Waxan heshiisiiyay Somaliland iyo Soomaaliya.” ayuu yidhi, Eng. Faysal.

Halkan Ka Daawo Riix