Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumaddiisu ku hakisay wadashaqayntii Hay’addaha Qaramada Midoobay, wuxuuna tilmaamay inay wadaan shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyeynayo qarannimada Somaliland sidaa awgeed ay Xoghayaha Qaramada Midoobay uga digayaan waxyaabaha dhaawacaya wada shaqayntii ka dhaxaysay.

Madaxweyne Biixi, wuxuu hadalkaa ka jeediyay Shirkii 7aad ee gollaha dhexe ee KULMIYE, kaas oo maanta ka qabsoomay Magaalada Hargeysa, wuxuuna caddeeyey in xukuumaddisu  mudnaanta koowaad siinay ilaalinta qarannimada iyo madax-bannaannida Somaliland, sidaa awgeed  aan cidna looga habranaynin difaaca jiritaanka qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland,

“Mudnaanta koowaad ee xukuumaddu waa inay ilaaliso madax-bannaanida iyo qarannimada Somaliland oo aanay culays kasta oo yimaadda, hadduu yahay mid siyaasi ah, mid ciidan iyo mid dhaqaale oo lagu gacan-maroojinayo aanay u dhaqaaqin oo ay lasoo istaagto madax-bannaanida qaranka, xukuumad ahaanna taasaanu isu taagaynaa, nin kasta oo ciidan badan leh, nin kasta oo qumbulo-durriyo leh iyo cid kasta oo lacag badan leh, midna looga habran maayo  Qarannimada Somaliland madax-bannaannideeda,” ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya qorshaha ay xukuumaddiisu saluugtay ee Qaramada Midoobay, ayaa carabka ku dhuftay xukuumadda uu hoggaamiyaa farriin cad u dirtay hay’addaha Qaramada Midoobay, isagoo ku eedeeyay inay wadaan wuxuu ku tilmaamay shirqoollo qarsoon oo lagu dibin-daabyaynayo qarannimada Somalialnd,

Khudbada uu ka jeediyay Madaxweyne Biixi halkaa, wuxuu ku xusay inuu Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay uga digay in waxyeeleeyo loo geysto ixtiraamka ka dhexeeya dawladnimada Somaliland iyo Qaramada Midoobay,

“Sannadahan dambe hay’addo aan siyaasadda gelin oo ay ka mid tahay Jamciyadda Quruumaha ka dhaxaysa oo ay ka mid yihiin hay’addo badan oo isku magacaaba samo-fal oo cashuur bixiyayaasha dalalkooda lacag kaga urursada waxaanu gar-gaaraynaa dad baahan, waxay u dhaqmeen si siyaasi ah oo wax u dhimaysa Qarannimada Somaliland, iyagoo fuliya awaamiirta laga siiyo Villa Somalia (Madaxtooyada Soomaaliya) ee dawladda ay iyagu ilaaliyaan ee mushaharka ka bixiyaan, waxayna soo gudbiyaan amarradeeda mana aha mid suuroobaysa taasi”

“Wakiilka Qaramada Midoobay ee Xamar joogaa wuxuu u joogaa Soomaaliya, annaguna waannu ixtiraamaynaa Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa, diyaarna waxaanu  u nahay inaanu la shaqayno, dawlad kasta oo caalamka ahna walaaltinimo iyo wada-shaqayn baannu u haynaa, haddii aannay kusoo xad-gudbayn sharaftayada iyo Qarannimadayada, waxaannu ka rabnaa in aannu u wada dhaqanno annaga oo is ixtiraamayna.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi, wuxuu fariin digniin ah u diray Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa iyo hay’addaha kale ee ku abtirsada, isagoo yidhi, “Ka yeelimayno Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa hay’addaheeda iyo kuwa kale ee samo-falka sheegta inay noo soo qaadaan qorshe iyo amarro laga soo bixiyay Xamar oo ay nagula dhaqmaan oo ay keenaan Somaliland, waana xaaraan,”