“Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin ugu danbaynta nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin.” Dr Abdirahman Beileh

Mecca, Saudi’a (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xubno ka mid ah golihiisa wasiiradda iyo saraakiil kale oo todobaadkii horre u anbabaxay Dalka Boqortooyada Sucuudiga, ayaa kulamo bilaa shuruud ah la yeeshay Masuuliyiin ka socotay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya.

 Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha la socday oo 7 August 2019, ka dhoofay  Madaarka Hargeysa ee (Egal International Airport), ayaa warbaahinta u sheegay inay Magaalada Barakaysan ee Makkah ee dalka Sucuudiga u tegeyaan si ay u gutaan waajibaadka Xajka, kadib  markii Boqorka Sucuudigu kusoo daray  martida gaarka ah ee dalalka Islaamka oo sannad kasta uu ku martiqaado gudashada waajibaadka Xajka.

“Madaxweynaha iyo wefdigiisu waxay  u baxayaan si uu usoo gutan waajibka Xajka, Madaxweynuhu wuxuu raacayaa Diyaarad khaas oo dawladda Boqortooyadda Sucuudigu suoo dirtay, wuxuuna ku dhoofayaa Somaliland Passpor, waana markii ugu horraysay ee Passapor Somaliland Madaxweyne xajka ku tago, iyadoo Madaxdii horre dalal baddan ku tageen.”sidaaa waxa yidhi, Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo warbaahinta kula hadlay Madaarka.

Haseyeeshee waxa maanta lagu war helay muuqaalo sawiro si weyn loogu shaaciyay Baraha Bulshadu ku xidhiidho ee Social Media, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Xubnaha ku weheliyay safarkaa iyo Madaxda Dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya ee uu hoggaaminayeen, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Federaalka Somalia Ambassador Ahmed Esse Awad iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Abdirahman Beileh oo ka mid ahaa dadkii gudanayay Xajka oo kuwada jira sawiro loo macneeyay inay markhaati u yihiin inay labada dhinac  yeesheen kulan bilaa shuruud ah.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Federaalka Somalia, Dr Abdirahman Beileh oo ka mid ahaa Masuuliyiinta la kulamay Madaxweynaha Somaliland iyo masuuliyiinta kale ee la socday, ayaa bartiisa Tiwitter-ka si kooban ugaga hadlay muuqaalada sawirada ay wada galeen Madaxda Somaliland, wuxuuna muuqaalka sawirka raaciyay qoraal kooban, isagoo yidhi,  “Dadka Soomaaliyeed waxay u ooman yihiin ugu danbaynta nabad waarta iyo dib-u-heshiisiin.”

Dr Abdirahman Beile, wuxuu sheegay inay tani tahay farriin ka socota Xajka. Waa inaynu garwaaqsanno inay nafteennu u dhaqaaqdo ugu dambeyntii dib-u-heshiisiin run iyo macno leh, waana inaynu dhammaanteen ku wada dadaalno oo dabada ka riixnaa istiraatiijiyad run iyo dib u heshiisiin macno leh. tani waa farriinta ka socota Xaramka, ayuu ku yidhi, qoraalka uu soo dhigay Twitterka, Dr Beileh.

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in wixii ay Xukuumadda KULMIYE, ku caayayeen ay iyagu samaynayaan, isagoo, Yidhi, “Shacabku way arkayaan waxay dadka ku caayayeen ayay iyagii samaynayaan maanta”

Xukuumadda Somaliland kama hadlin muuqaalada sawiraa oo Bulshada Somaliland ka muujiyeen dhawaaqyo dareen cadho ah, waxayna Somaliland ee intooda badan Baraha Bulshada kaga dareen celiyeen muuqaaladaa dareen cadho ah, iyagoo qaarkood u qaateen inay kulankaa Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxda Soomaaliya ee Xajku yahay sidii wax aanay filayn iyo riyo oo kale, waxayna kuwa arrintan u qaadan waaga ku noqotay ku doodayeen inay arrintan kulanka lama filaanka ah, sawiradaa arkeen xili ay weli dhegohooda kasii guuxayaan dhawaaqyadii ugu danbeeyay ee Madaxweyne Muuse Biixi kaga hadlayay siyaasada xukuumaddiisa ee ku waajahan dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

 “Maalmahan waxa jira guddi laga magacaabay dawladda Muqdisho oo uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya, guddiga marka la magacaabayo waxa ka horreeya ujeeddada loo magacaabay iyo hawsha loo dirayo, hawsha guddidaas loo diray waa laba qodob, labadaas qodobna midna Somaliland ma khuseeyo, mar haddaanay khusaynna Somaliland ahaan wixii gudahooda ah farogelin maynno.” Ayuu yidhi. Madaxweyne Muuse Biixi oo ka jawaabayay aragtida xukuumaddiisa ee guddida wadahadalada ee dawladda Federaalka ee Soomaaliya magcawday badhtamihii July 2019.

Sawirada kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ku weheliyay kula yeesheen Makka Madaxda Soomaliya 13 August 2019, (Twitter)
Sawirada kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ku weheliyay kula yeesheen Makka Madaxda Soomaliya 13 August 2019, (Twitter)

Sidoo kale Madaxweyne Muuse Biixi, oo ka hadlayay  kulan casha-sharafeed uu qasriga Madaxtooyadda ugu sameeyay Aqoonyahano iyo Dublamaasiyiin ka qaybgelyay Bandhiga Bugaagta Hargeysa 20 July 2019, waxa kale oo uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya kordhiyey, wuxuu ku tilmaamay cadaawad uu Somaliland u hayo tan iyo intii uu xilka yimi, cidda wax tabanaysaana aanay ahayn shacabka reer Somaliland ee dalkooda jooga, sidaa awgeed aanay khusayn guddiga dawladda Soomaaliya magcawday.

Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ku weheliyay kula yeesheen Makka Madaxda Soomaliya 13 August 2019 (Twitter)
Kulanka Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha ku weheliyay kula yeesheen Makka Madaxda Soomaliya 13 August 2019, (Twitter)

 “Tabashada cidda wax ka tabanaysa iyo walaalaha la joogaa waa inta isaga  la joogta ee u shaqaysa, markaa hadday inta isaga u shaqaysaa wax ka tabanayaan isagay u taallaa, laakiin Somaliland intii uu Madaxweyne Farmaajo xilka yimi waxa ay kala kulantay cadaawad aan hore loo arag 28-kii sanno, kala bixii Somaliland iyo Soomaaliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo dareen cadho ah muujinaya.

Dhawaaqa Madaxweynaha Somaliland, ayaa soo baxay, kadib wax ka yar laba todobaad markii uu kasoo laabtay socdaal uu ku tegey dalka Guinea Conakry ee galbeedka Afrika, 2 july 2019, waxayna soo dhowayntii iyo hab-maamuuskii lagu qaabilay ka cadhaysiisay dawladda Federaalka ah ee Soomaliya, iyadoo xilligaa, Wasiirka Arrimaha Dibedda Dawladda Federaalka Somalia Ambassador Ahmed Esse Awa doo ka mid ah Masuuliyiinta la sawiran Madaxweynaha Somaliland ee ay ku kulmeen Xaramka uu Jul 4th, 2019, sheegay inay Xukuumadda Federaalku xidhiidhka u jartay dawladda Guinea Conakry, sida lagu shaaciyay Wakaalada wararka ee Xinhua, isagoo ka digay in haddii ay dalal kale Madaxda Somaliland u muujiyaan qaabilaad iyo soo dhowayn sidan oo kale ay xidhiidhka u jarayaan, isla markaana u arkayaan inay ku xad-gudbeen wuxuu ugu yeedhay Madaxbanaanida iyo jiritaanka Qaranimada Soomaaliya.

Dhinaca kale, Madaxweyne Muuse Biixi oo markii uu kasoo laabtay dalka Guinea Conakry, Jul 7th, 2019, wuxuu dawladda Soomaaliya ku tilmamay mid dibin-daabyo ku ah horumarka Somaliland, isagoo xusay inay iyagoo og xasuuqii iyo wiixi ay ku sameeyeen shacbigan.

Dhawaaqyada kasoo burqanayay Madaxweyne Muuse Biixi Xukuumaddiisa ee ku waajnaa siyaasada iyo xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya, ayaa noqday kuwo shacbiga Somaliland is weydiiyaan waxa bedelay markii uu Madaxweynaha Somaliland uu Xajka tegey ee lagu war helay muuqaalada sawirada muujinaya inuu dhacay kulan dhexmaray Wasiiro ka socday Dawladda Federaalka ee Soomaliya iyo Madaxweynaha Somaliland iyo xubnaha la socday, kaasoo ay guul weyn oo siyaasadeed u aragtay dawladda Federaalka ee Somalia la kulanka Madaxda Somaliland iyo wasiirada Soomaaliya oo noqday kii u horreeyay ee Madaxweynaha Somaliland la yeesho Madaxda dawladda Federaalka ee Soomaaliya, iyadoo aanay jirin wax shuruud ah, waxaana arrintan lala xidhiidhinayaa mid ka timi Boqorka Dalka Sucuudiga Boqor Salman, isla markaana si gaar ah arrintan uu uga danbeeyay hoggaamiyaha awooda badan ee amiirka dhaxalka Sucuudiga Maxamed Bin Salman.