Share this:

" />
Telesom Dahabshiil
Published On: Tue, Jan 28th, 2020

Madaxweyne Biixi, Madaxda Xisbiyada Iyo Boqolaal Qof Oo Ka Qayb-galay Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Abu-site Oo Kasoo jeeday Qoys Laga Ixtiraamo Geyiga Soomaalida

Madaxweyne Biixi, Madaxda Xisbiyada Iyo Boqolaal Qof Oo Ka Qayb-galay Aaska Marxuum Axmed-yaasiin Abu-site Oo Kasoo jeeday Qoys Laga Ixtiraamo Geyiga Soomalida

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta ka qayb-galay Aas ballaadhan oo loo sameeyay Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdullaahi Abu-site oo xalay ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site  28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdilaahi Abu-site oo lagu aasay Xabaalaha Xaraf ee duleedka Caasimadda Hargeysa, waxa kale oo ka qayb-galay shir-guddoonka golaha wakiillada, hoggaanka axsaabta qaranka, wasiiro, xildhibaanno, Salaadiin, ganacsato iyo boqollaal kamid ah mudanta reer Somaliland, kuwaas oo marxuumka Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ku casuumo, ehelka iyo qaraabadana samir iyo Iimaan u rajeeyey.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi iyo Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, Cabdiraxmaan Cirro, oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site  28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Araweelo News Network.

Boqolaal qof  oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site  28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Araweelo News Network.
Boqolaal qof oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Araweelo News Network.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa marxuumka ku tilmaamay haldoor ku dayasho mudnaa oo ka baxay bulshada reer Somaliland, islamarkaana safka hore kaga jiray ka qayb-qaadashada arrimaha khayriga ah, wuxuuna Allah uga baryay inuu ugu deeqo jannooyinkiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi oo ka Tacsiyadaynaya qoyska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site  28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Araweelo News Network.
Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi cabdi oo ka Tacsiyadaynaya qoyska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Araweelo News Network.

Qaar badan oo ka mid ahaa dadkii ka qayb-galay aaska marxuumka, ayaa ku dheeraaday Xusuusta marxuumka iyo guud ahaanba qoyska reer Abu-site ee uu kasoo jeeday oo taariikh dheer ku leh Somaliland, waxanyna Allah uga baryeen inuu jannooyinkiisa ku casuumo.

Boqolaal qof  oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site  28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Araweelo News Network.
Boqolaal qof oo ka qayb-galay aaska Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji cabdullaahi Abu-site 28 Jan 2020,, Xabaalaha Xaraf ee Dulleedka Hargeysa. Araweelo News Network.

Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdullaahi Abu-site, wuxuu kasoo jeedaa dadkii qoysaska taariikhda weyn ku leh Somaliland, iyadoo Xaaji Cabdullaahi Abu-site ka mid ahaa Odayaashii aas-aasay magaalada Hargeysa, isla markaana ahaa ganacsade si weyn magaciisu ugu fiday geyiga Soomaalida, Ethiopia, sidoo kalena ka mid ahaa dadkii ganacsiga iyo siyaasadaba saamaynta ku yeeshay tan iyo xilligii ay Somaliland maxmiyada u ahayd Boqortooyadii Midawday ee Britain.

Qoyska uu kasoo jeeday Marxuum Axmed-yaasiin Xaaji Cabdullaahi Abu-site, ayaa weli door muuqda ku leh siyaasada, ganacsiga, iyo arrimaha Khayriga, waana qoys si weyn looga ixtiraamo Bulshada Somaliland dhexdeeda iyo dhulka Soomaalida kaleba.

Bahda Shebakadda Araweelo News Networ, waxay iyadoo ka tiiraanyaysan ka tacsiyadaynayaan geeridaa Qoyska Reer Xaaji Cabdullaahi Abu-site iyo dhammaan Bulshada Somaliland, waxayna si gaar uga Tacsiyadaynayaan Bahda Araweelo News Networ, Safiirka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Ambassador Muniir Xaaji Cabdullaahi Abu-site, waxayna Marxuumka uga Baryayaan inuu Janna-fardawsa ka waraabiyo.

Inaa Lilaah Wa Inaa Ilayhi Raajicuun

Smiley face

About the Author

- Arraale Mohamoud Jaama Freelance Journalist and Human Rights Activist Arraale, is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 WhatsApp + 252 65 910 7347.

Leave a comment

XHTML: You can use these html tags: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>

Advertisement

Smiley face

Araweelo is an Associated Network News, The most trusted source for news & Political,investigator report,Human Rights Issues,Educations,Social and Democracy ,Latest News Horn of Africa. runs Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist based in Somaliland.

Chat with us on WhatsApp