Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geeridaAllah ha u naxariistee Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmed-Keyse) oo ka mid ahaa Shantii Nin ee goob-joogga ka ahaa heshiiskii Somaliland xorriyaddeeda kaga qaadatay Maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 1960-kii.

Allah haw naxariistii Marxuum Axmed-keyse Xaaji Ducaale oo ahaa Qofka kaliya ee ilaa haddaa ka noolaa Shantii qof ee loo xil-saaray Heshiiska Somaliland xornimada kaga qaaday Bogortooyda Ingiriiska, wuxuu 8 January 2020 ku geeriyooday dalka Maraykanka oo muddo dheer uu ku noolaa.

Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi oo shacabka, ehelkii, qoyskii, qaraabadii iyo asxaabtii uu marxuuku ka baxay tacsi u diray,, ayaa madaxweynuhu ku dheeraaday taariikhdii marxuumku ka soo qaatay halgankii xornimo-doonka ee Somaliland.

Heshiiska oo uu saxeexay Allah haw naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa goobta heshiisku ka dhacay oo ahayd magaalada London goob-joog ka ahaa, Allah naxariistii Janno haka waraabiyo dhammaantoode, Axmed Xaaji Ducaale (Axmed-keyse), Cali Garaad Jaamac, Xaaji Ibraahim Nuur iyo Maxamuud Cabdi Carraale.

Marxuum Axmed Keyse Ducaale, ayaa markii dambe ee Somaliland xorniyada ka qaadatay Ingiriiska, waxa uu ka mid noqday Afartii Wasiir ee lagu dhisay xukuumaddii u horeysay ee uu soo dhisay marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal 1960-kii.

Dhambaal tacsi ah oo ka soo baxay xafiiska afhayeenka madaxweynaha ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum  Axmed Xaaji Ducaale Cabdalle (Axmedkeyse) oo ku geeriyooday maanta  oo ay taariikhdu tahay 08/01/2020, dalka Maraykanka.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi waayo arag ah oo  door muhiima ka soo qaatay halgankii xornimo doonka iyo sidii Jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda uga qaadan lahayd maxmiyadii boqortooda Ingiriiska 1960-kii, isagoo ka noolaa afartii qof ee ku wehelinaayey Allaha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal saxeexii ay Somaliland xornimadeeda kaga qaadatay boqortooyadii Ingiriiska 26-June, waxaanu marxuumku kaalin mugweyn ku lahaa taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Sidaas ayaa lagu yidhi qoraalka ka baxay madaxtooyada.