Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee sida weyn murankoodu u jiitamay iyo murankii komishanka, isagoo sheegay in aan laga maarmi karin Kommishankii hore ee doorashooyinka, isla markaana komishanka cusub ee sababta u ahaa khilaafka sii socda ay yihiin kuwo sharci ah oo la doortay.
Madaxweynaha, ayaa arrimahaa iyo kuwo kale kaga halday mar uu maanta ka qaybgalay xuska munaasibada 26’aad ee aasaaska Ciidanka Qaranka Somaliland oo maanta ka dhacday xarunta Taliska guud ee magaalada Hargeysa.

“Somaliland, waxay leedahay Distoor, ay ilaaliyaan labada gole ee sharci-dejinta, iyo golayaasha deegaanka, Hay’addaha la doortay, waxay kow ka yihiin inay ilaaliyaan sharciga, Distoorku wuxuu qorayaa in Hay’addaha la doortay mudda-xileedkoodu yahay shan sannadood, Madaxtooyadda, Golayaasha, Baarlamaanka iyo Deegaanka, si markaa Distoorkeenu usii jiro, si ay qaranimadeenu usii jirto, si aynu horre ugu marro, dhammaanteen waxa inagu waajib ah maanta inaynu xoogga saaro sidii aynu doorashada u qaban-lahayn, Doorashada waxa inaga horjoogaa waa findhicil, waana wax la dawaynkaro” ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlayay munaasibadaa.

Madaxweyne Biixi, ayaa xusay in saddexda Xisbi qaran isku raacsan-yihiin in doorasho la qabto, sidoo kale, wuxuu xusay in shacbiga Somaliland iyo golayaasha kuraasta fadhiyaa isku raacsan-yihiin in doorashadaa la qabto, isagoo yidhi, “golayaashu way ogyihiin inay mudda dhaafeen, waana ka diyaar in doorasho la qabto, maxaa haddaba inaga dhex shaqaynaya, maxaynu u qaban-lanahay,? ma cadaw ayaa inaga dhex shaqaynaya,? laba sannadood ayaynu ku murmaynay ha la bedelo komishanka iyo sharci maaha, waxaasi maaha wax doorasho lagu joojinkaro, guddidii hore ee doorashadu waa waayo-arag, waa inamadeenii kama maaano, kuwa danbe ee la doortay waa sharci waa inamadeenii inagaa dooranay, dhamaanteen haydanu isugu tagno doorashada waynu qaban karaa, manaha aha in dalku u galo khal-khal doorasho.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Dhinaca kale, Khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka oo soo jiitamay, waxa xudun u ahaa Komishankii horre ee Doorashooyinka, balse markii ay dhammaatay muddo-xileedkoodu, isla markaana lagu heshiiyay in lasoo magcaabo kommishan cusub, waxa mar kale aloosmay khilaaf ka dhashay xubnaha Komishanka ee cusub, balse mar kale dhex-dhexadin Odayaal, ganacsato iyo Culimo ay weheliyaan Dallada SONSOF, oo metelaysa Ururada aan dawliga ahayn, waxa lagu sameeyay go’aamo xumad-jebin ah, kuwaas oo ay kow ka ahayd in lasoo celiyo kommishankii horre, isla markaana la kala diro xubnaha khilaafku ka dhashay ee aan dhamaytirnayn.

AKHRI: Xisbiyada Mucaaradka Oo Madaxweyne Biixi Ku Eedeeyay Inuu Fulin-waayay Go’aamadii Lagu Heshiiyay Iyo KULMIYe Oo Ka Hadlay


Madaxweyne Biixi iyo saddexda Xisbi, ayaa aqbalay go’aankaa, Balse fulinta go’aamadaa ayaa socon waayay, iyadoo Guddoomiyayaasha Labada Xisbi ee Mucaardka Somaliland ee WADDANI, iyo UCID, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa, Jan 13th, 2020 , waxay si wada jir ah u sheegeen in uu waxba kama jiraan noqday go’aankii guddida dhex-dhexaadinta ee soo baxay 16 Desember, 2019, mana jirin kulan danbe ay ka yeesheen Masuuliyiinta Axsaabta iyo Madaxweyne Biixi sidii xal loogu heli lahaa fulinta go’aankaa, wuxuuna Madaxweyne Biixi marar kala duwan xilligaa kadib kulamo la yeeshay Xubnaha Komshanka ee cusub, walaw uu sheegay in aanay hayn sharci lagu kala diro xubnaha cusub si loo soo celiyo kuwii horre ee muddada dheer lagu muransanaa.