Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi 10 Dec 2019, Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Aw Daahir Xaaji Xasan Cabdulle oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu ahayd 20/07/2020 Magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood.
Madaxweynuhu Waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay dalka iyo dadka, kana mid ahaa odayaashii seeska u dhigay qaran-nimada Somaliland, shirkii aayo ka tashiga madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland ee 1991-kii Burco, ka qabsoomayna uu marxuumku ka mid ahaa odayaashii qalinka ku duugay heshiiskii ku dhawaaqida dib ula soo noqoshadii Jamhuuriyadda Somaliland ee godka inagaga-dhacday 1960-kii.
Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu tacsi u dirayaa ciidamada kala duwan ee qaranka Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Gashaanle Sare Marxuum Jibriil Sheekh Xasan Xaaji Ducaale, oo saaka oo ay taariikhdu ahayd 20/07/2020 ku geeriyooday shil baabuur oo kula dhacay inta u dhaxaysa Ceel-afweyn iyo Gar-adag dhexdooda, kuna naf waayeen isaga iyo wadihii gaadhigu, kuna dhaawacmeen saddex qof oo kale, waxaanu madaxweynuhu inta dhaawaca ah Alle uga baryaya inuu caafimaad sareecana siiyo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi wuxuu tacsi u dirayaa bahda garsoorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee xeer ilaaliye ku xigeenkii gobolka Saaxil Marxuum Cabdi Xasan Axmed Daarood oo isna xalay fiidkii gaadhi ku jiidhay Tuulada Xabaalo Tumaalo oo ah duleedka Magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera wakhti uu marxuumku safar ku jiray una degay salaadii Makhrib oo uu halkaasi ku tukaday.
Waxaanu Madaxweynuhu marxuumiintaa ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxeena samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.