Madaxweyne Biixi waxa kale oo uu ka hadlay joojinta qaadka, xaaladda Coronavirus iyo dhaqaalaha xukuumaddu u qoondaysay

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xaaladda laga soo sheegay deegaanka Fadhi-gaab oo maanta dagaal ku dhexmaray laba malayshiyo oo deegaanka ah, sidoo kale, wuxuu ka hadlay xaaladda xilligan ee caabuqa Coronavirus, (COVID-19).

Madaxweynuhu, wuxuu ugu baaqay dhinacyada walaalaha ah ee gacan-ka hadalku ku dhexmaray, isagoo usoo jeediyay in ay xaaladda dejiyaan oo aannay intaa dhaafin.

“Waxan leeyahay dagaalka halla joojiyo, bishii Ramadaanna way inagu soo dhaw dahay, Ilaahayna Barwaaqo badan iyo Roob iyo Nimco badan buu ina siiyey, col kale oo cudur ahina waa ina hayaa oo adduunka oo dhan haya, Maanta waa maalintii la wada-jiri lahaa ee la is kaashan lahaaye, ma aha maalintii xabbad la isku bilaabi lahaaye waxgaradka iyo waayeelka waxan usoo jeedinayaa in arrintaas halkaas lagu joojiyo.”ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Madaxweynuhu, wuxuu ugu baaqay dhammaan bulshada Somaliland, xukuumaddeeda, aqoonyahankeeda,waxgaradkeeda iyo haldoorkeeduba waqti badan geliyeen xallinta colaadda deegaannada Ceel-Afweyn, marar badanna xal laga gaadhay, balse ay nasiib-darro tahay dhibaatada maanta soo cusboonaatay.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay xaaladda Caabuqa COVID-19, isagoo yidhi, “Ma odhan karno meel walba weynu xidhaynaa waayo qof walba qol gaar ah uma helayno oo suurtogal ma aha, markaa haddii aynu xidhno waa dhibaato soo korodhaye innagu waxaynu qaadanaynaa aynnu dhibaatada yarayno, dhibaatadana waxaynu ku yarayn karnaa innaga oo qaadana talada dhakhaatiirta oo intii suurtogal ahba la kala fogaado.”

Madaxweyne Biixi, wuxuu bulshada ugu baaqay inay guryahooda ku cibaadaystaan, isla markaana ka dheeraadaan goobaha masaajiiddada si looga fogaado isu ururka bulshada, isaga oo culimada iyo dadka kaleba ugu baaqay inay raacaan talada dhakhaatiirta iyo guddida ka hortagga xanuunka COVID-19,

“Innagu waxaynu leenahay maadaama oo uu xanuunkii inagu jiro oo aynu hubno ururrada aynu masaajidku kamid yahaye dadku guryahooda haku tukadaan, masaajidkii marka intaas oo qof isugu timaaddo ee kii kaa horreeyey halkuu ku suguuday aad ku sujuuddo ee kii soo galay aad lasoo gasho Ilaahay baa inoo fasaxaye ma aha wax aynu diintii ku gefayno, inaynnu is fahmi weynonna ma ahee culimada iyo dadkoo dhanba waxaynnu leenahay caafimaadkeennii baa ku ege sida inoo roon ee guddidu inoogu talinayso aynnu yeelno,” ayuu yidhi madaweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi, ayaa bulshada ugu bushaareeyey inay xukuumad ahaan fureen Sanduuq lagu ururinayo dhaqaalaha loogu talo galay in lagula tacaalo xanuunka COVID-19, islamarkaana ay xukuumad ahaan ku shubeen qaddar lacag ah, waxana uu yidhi, “Waxan go’aaminnay in la furo Akoon lagu ururinayo wixii dhaqaale loo baahan yahay oo la isugu tago, dawlad, baayac-mushtar iyo ciddii kale ee ina caawinaysa ee adduunka ah oo halkaas lagu soo ururiyo oo loo diyaar garoobo haddii hawshu soo cusboonaato, dawlad ahaanna $3,000,000 (Saddex milyan) oo doollar baannu ku shubaynaa Akoonkaas oo aannu ka goynay mashaariicdii horumarka, gunnooyinkii iyo wixii kale ee la hakin karo ee dawladdu ay leedahay, uu dhaqaalaheeda saamaynayo dhaqaalaha istaagay.”

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu Ganacsatada iyo baayac-mushtarka ugu baaqay inay maalkooda iyo maskaxdoodaba kaga qayb-qaataan halganka lagula jiro xanuunka covid-19, una damqadaan bulshadooda, “Tujaarta iyo baayac-mushtarka waxa la farayaa haddii ay sekedoodii tahay iyo sadaqo iyo waxtarba inay maanta dadka la gurmad galaan oo xoolahooda kula hawl-galaan dawlad iyo shicibba in xanuunkaas laga hortago, qaar kasoo jawaabayna way jiraan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Biixi, wuxuu ka hadlay arrinta joojinta qaadka iyo waxa uga qorshaysan xukuumaddiisa, iyadoo qaadka oo loo arkayay inuu dhiig-bax ku yahay dhaqaalaha dalka, wuxuuna sheegay in aannay awooddin inay xukuumad ahaan joojiyaan, balse uu jiro qorshe ay wadaan oo dadka ka ganacsada qaadka ay kaga arrinasayaan arrinata.