Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo masuuliyiinta la scoday, ayaa maanta dalka kusoo laabtay, kadib markii ay soo dhmmaysteen gudashada waajibaadka xajka.

Madaxweynaha iyo wefdigiisa oo galabta kasoo degey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, waxa  ku soo dhaweeyey madaarka madaxweyne ku xigeenka Somaliland, xubno ka mida xukuumada, madaxda sare ee xisbiga kulmiye iyo siyaasiyiin kale.

 Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, oo warbaahinta la hadlaya Araweelo News Network 22 August  2019 Hargeysa
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, oo warbaahinta la hadlaya Araweelo News Network 22 August 2019 Hargeysa

Madaxweyne Biixi oo warbaahintu ku sugaysay Madaarka, ayaa ka muquurtay warbaahinta oo diyaar ula ahaa Su’aalo la xidhiidha safarkooda, waxaana warbaahinta la hadlay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ahaa xubnaha safarka ku weheliyay madaxweynaha Somaliland.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin, ayaa sheegay in ay la kulmeen Wasiirka Sucuudiga u qaabilsan Arrimaha Afrika  oo aanu magaciisa sheegin, balse magaciisu yahay, Ahmed bin Abdulaziz Qattan oo xilkaa iyo kuwo kale oo aan horre uga jirin Xukuumadda Riyad uu Maxamed Bin Salmaan u magcaabay masuulkaa iyo saraakiil kale horaantii 2018. kadib isku shaandhayn uu samaayeey.

wuxuuna xusay in ay wax badan ka wada hadleen, walaw cilaaqaadku bilaw ahaa sida uu sheegay Wasiir Kaahin,  isla markaana uu waqti fiican siiyay oo ay su’aalo badan isweydaarsadeen wasiirka ay la kulmeen ee Sucuudiga.

“Waxan uga waranay xaalada Dalka Somaliland, Mawqifyada siyaasiga ah ee mandaqada ilaa Badda cas iyo Gacanka Cadmeed mawaaqifta Somaliland ka taagantahay, isla markaana kuwii hore ee dawladdaha Carabtu ku kala qaybsameen in Somaliland halkeedii taagantahay,waxaana isla qaadnay sidii loo wada shaqaynlahaa ee dhinacyada Amaanka, Budhcad-badeeda iyo tahriibinta dadka ee Mandaqada, waxaana u sheegnay in kiisaskaa Budhacad-badeeda aannay Somaliland Badeeda ka dhicin.” Ayuu yidhi, Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland.

Wasiirka oo warbaahintu weydiisay, waxa ay ula kulmi waayeen kulanka Boqor Salmaan Madaxda Islaamka uu ku casuumo ee looga reebay, ayaa ku jawaabay in ay arrintaa ugu miisaanweynayd inay arkaan masuul xukuumadda Sucuudiga ka socda, isagoo sheegay in baasaboorka Somaliland ee ay kaga dhoofeen dalka uu qaatay waqti mudadii hawshiisu socotay.

 Mar la weydiiyay kulanka sawirada ay ku wada galeen wasiirada ka socday Soomaaliya ayuu ku tilmaamay mid aan siyaasad ahayn oo ay kooxda Soomaaliya mar walba meel wada joogeen oo wada deganaayeen, mana suurta gelin in warbaahintu weydiiyaan wax ka badan labadaa su’aalood oo uu jawaabo kooban ka bixiyay wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin.

Dhinaca kale, Madaxweyne  Biixi oo ka hor intii aanu kasoo kicitimin Dalka Sucuudiga kulan la yeeshay Jaaliyadda Somaliland ee Sucuudiga, ayaa ka dareen-celiyay jawaabtii ay ka bixiyeen Shacbiga Somaliland sawirada ay la galeen wasiiradda Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu aad ugu farxay dareenkii diidmada lahaa ee ay ka bixiyeen shacbigu arrintaa.

Halkan ka Akhri: Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Jawaabay Dareenkii Bulshadu Kaga Fal –Celiyeen Sawiradii Wasiiradda Soomaaliya