Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
UJEEDDO: XIL KA-QAADIS
Ku: Cumar Abokor Jaamac;
Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland
Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland
Mudane,
Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay Qaranka.
UJEEDDO: MAGACAABID
Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aansaday;
In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Jamhuuriyadda Somaliland.
ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.