Warbixin: By Arraale Mohamoud Jama Freelance Journalist and Human Rights Activist.

Hargeysa(ANN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi, ayaa qoraal uu u kala diray asxaabta qaranka iyo iyo guurtida Somaliland si ay usoo magcaabaan xubnaha cusub ee guddida doorashooyinka qaranka.

Sidaana waxa lagu xusay qoraal maanta kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, kadib kulan ay wada yeesheen Madaxweyne Muuse Biixi iyo hoggaamiyayaasha saddexda xisbi qaran oo lagaga hadlay sidii loo sii wadi lahaa meel-marinta heshiiska ay dhowaan wada gaadheen Madaxda Saddexda Xisbi ee la doonayay in wax lagaga bedelo xeerka Kommishanka Doorashooyinka, kaas oo soo jeedintiisa loo gudbiyay golaha wakiiladda, Aug 6th, 2019, balse ay munayaashu ka dareereen fadhigii la doonayay in ay go’aan kaga gaadhaan soo jeedintaa.

Qoraalka maanta kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda, waxa lagu xusay in Madaxweynuhu qoraal u kala diray 25-kii-August-2019, oo ku beegnayd Axadii shalay, axsaabta qaranka iyo golaha guurtida si ay u soo gudbiyaan xubnihii cusbaa ee guddida doorashooyinka qaranka si waafaqsan xeerka doorashooyinka madaxtooyada iyo golayaasha deegaanka xeer Lr. 20/2001.

Dhinaca kale Madaxweynuhu wuxuu labada xisbi qaran ku adkeeyey in muhiimada koowaad la siiyo qabsoomida doorashooyinka, isla markaana wuxuu usoo jeediyey axsaabta qaranka inay dulqaad u yeeshaan wixii ay u arkaan gef iyo khalad inta lagu jiro hannaanka geedi socodka doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi, ayaa si cad u balan qaaday in la fulin doono qodobka Afraad ee heshiiskii saddexda xisbi gaadheen 27-July-2019, kaasoo dhigayey in golaha wakiilada ee cusub la hor geeyo mooshinka kordhinta labada xubnood ee guddida doorashooyinka qaranka doorashada ka dib. Sida lagu sheegay qoraalkaa.

.

Horaantii ,bishan , Aug 6th, 2019, waxay Gollaha Wakiillada Somaliland diideen inay meel mariyaan soo jeedinta wax-ka-bedelka iyo kaabista Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), kadib markii Saddexda Xisbi Qaran ku heshiiyeen soo jeedin ahayd in xubnaha guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland  oo tiradoodu ahayd 7 xubnood laga dhigo 9 xubnood, loona gudbiyo Golaha Wakiillada, si ay wax-ka-bedeel iyo kaabis ugu sameeyaan Xeerka Doorashooyinka Golaha Deegaanka iyo Madaxtooyada, (Xeer Lr. 20/2002), kaas oo wax ka-bedel lagu sameeyey 15/9/2012, Qodobka 11aad, Farqada 1aad – a) iyo Faqrada 2aad b) ka hor 8 August 2019.

Sida uu dhigayay qodobka koowaad ee heshiiska saddexda Xisbi ee ku taariikhaysnaa, 27 July 2019, balse golaha oo yeeshay Fadhi uu shir-guddoominayey ku-xigeenka 1aad ee Gollaha Wakiillada Axmed-yaasiin Sheekh  Cali Ayaanle,  Aug 6th, 2019, ayaa qabsoomi waayay, kadib markii ay ka dareereen fadhigaa inta badan xildhibaanada laga soo doortay Gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag, kuwaasoo sheegay in aanu ahayn heshiiskani mid ka turjumaya dhamaystirka caqabadaha ku gedaaman Doorashada. Waxaana soo jeedinta heshiiskaa ee ka yimi dhanka Madaxtooyadda sharci-daro ku tilmaamay La-Taliyaha Sharciga ee golahaa, walaw ay xildhibaanada qaar ku doodeen in aannu la taliye sharci u ahayn golaha ee uu guddoomiyaha golaha u yahay La-taliyaha sharci, sidaa awgeed waxay ku doodeen in aannu xaq u lahayn inuu soo jeedinta heshiiska saddexda Xisbi ee ka timi dhanka Madaxtooyadda xaq u lahayn inuu ku timaamo sharci-daro, balse ay golaha u taal in ay meel mariyaan amma