Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inaanay waxba ka beddelin xukuumadiisu heshiisyo ay xukuumadii horre ee Madaxweyne Siilaanyo la gashay Dawladda Imaaraadka oo Madaxweyne Biixi shalay sheegay in Saldhiga Millateri ee Madaarka Berbera lagu soo celiyay Madaar shicib.


Arrintaa oo Madaxweynuhu aanu sharaxaad ka bixin, ayaa sababtay in loo fahmo in Xukuumadda Somaliland ee Madaxweyne Biixi ka noqotay heshiiska Saldhiga Millateri, kaas oo ahaa 25 Sanno, isla markaana daba socday Heshiiska wareejinta Dekedda ee DP World iyo mashaariic kale oo dawladda Imaaraadka iyo Xukuumadii horre ee Madaxweyne Siilaanyo wada saxeexdeen.

Madaxweyne Biixi oo shalay magaalada Berbera ka hadlay, mar uu dhagax-dhigayay mashaariic laga fulinayo halkaa, ayaa sheegay inay xukuumaad ahaan gacantooda ku soo celiyeen garoonka diyaaradaha ee Berbera, isla markaana garoonka Berbera noqonayo garoon ay isticmaalaan diyaaradaha shacabka ah, isagoo xusay dib u dhis iyo casriyn lagu samayn doono, wuxuuna Madaxweynuhu intaa ku daray in dhowaan ay imanayso shirkad dhisaysa garoonka oo loo samayn doono Terminal ay ka duullaan diyaaradaha shacabku.


Hase yeeshee Madaxweynaha Somaliland oo maanta hadal ka jeediyey Xaflad loo qabtay qalin-jabinta dufacaddii 9aad ee ka baxda jaamacadda magaalada Burco, waxa uu sheegay inaanay waxba iska beddelin heshiiska saldhigga Millateri ee dowladda Imaaraadku kaga dhistay Garoonka diyaaraha ee Berbera, kaas oo uu sheegay in xilligan la dhammaystiray dhismihiisa oo ay ciidamaddu isticmaali doonaan, balse sidoo kale garoonka lagu soo kordhinayo Terminal ay isticmaalaan diyaaradaha shacabka, isla markaana labadooduba ay iska barbar-shaqayn doonaan.

Xukuumaddii horre ee Somaliland, ayaa dalka Imaaraadka la gashay Heshiisyo, kuwaas oo dhigayey Dib-u-dhis iyo Casriyeyn lagu samaynayo Dekedda Berbera, isla marakana ay wada maamulaan Dekedda Dp World Somaliland, sidoo kale waxa jiray heshiis kale oo Madaarka magaalada Berbera oo laga dhigayo saldhig-milatari ee dalka Imaaraadku dhisayo, isla markaana marar baddan oo mucaaradka Somaliland iyo qaybo ka mdi ah Bulshadda, waxay masuuliyiinta Xukuumaddii horre kaga jawaabeen in dhismaha Saldhiga Millateri ee Madaarka Berbera oo dhinac socdo Madaar shacib oo diyaaradaha rakaabka sidaa ka duulaan, amma ka degaan.

Heshiisyadaa, ayaa Somaliland kusoo jeediyay indhaha warbaahinta aduunka, waxa si weyn uga cadhootay Dawladda Federaalka ee Soomaaliya oo dacwad arrintaa la xidhiidha oo ku waajahan Imaaraadka Carabta u gudbisay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay, waxayna arrintaas sababtay in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dawladda Imaaraadka xidhiidhkoodu xumaado, kaas oo sababay inay cilaaqaadka u goyso Dawladda Imaaraadku Dawladda Soomaaliya.


Heshiiska Madaarka ee Saldhiga Milatteri, waxa la saxeexay 2016, isla markaana, waxay dawladda Imaaraadku bilawday dhismihiisa, 2017, waxaana loo qorsheeyay in la furo Jun 2019, balse ma suurta gelin in la furo.


Dhinaca kale, waxa heshiisyadaa ku jiray in Magaalada Berbera dawladda Imaaraadku ay ka dhisay mashaariic maalgelin dhinaca dhismaha warshad koronto oo awood dhanka laydhka ah siin doonta Magaalada Berbera.

Sidoo kale, heshiisyadaa, waxa ku jiray dhismaha wadada isku xidhay Dekedda Berbera iyo Dalka Ethiopia iyo mashaariic kale oo ay ku jirayaan Tababro ay siin doonaan Imaaraadku ciidamada amniga ee Somaliland, taas oo qayb ka ah heshiiska saldhiga millatari ee UAE, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Bishii March 2018.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici wefdi uu hogaaminayo oo kasoo laabtay Dalka IMaaraadka Carabta Mar 23rd, 2017, ayaa saxaafada kula hadlay barxada hore ee garoonka Diyaaradaha Egal International Airport.

Masuuliyiintaa oo ka hadlay heshiiska Saldhiga Imaaraadka iyo arrimo kale, ayaa su’aalo Laga weydiiyay Heshiiska.

Waxa ka hadlay Wasiirka Arrimaha Dibedda ee xilligaa Sacad Cali Shire oo wefdiga ka mid ahaa, wuxuuna heshiiska saldhiga Millateri oo sida uu sheegay ay ku jiraan Madaar kale oo shicib oo laga samaynayo Berbera iyo mashaariicda kale ee weheliya heshiiskaa.

Halkan Ka Daawo Wasiir Sacad oo sharaxaya arrimahaa.

Akhri: Somaliland Oo Ka Noqotay Heshiiska Imaaraadka Ee Saldhiga Millateri Iyo Dareenka Ku Xeeran