“Saamiga Kuraasta iyo Komishanku Waa Basiid, Qodobka Dhibaatada Ah, Waa….”Madaxweyne Biixi


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay dib u dhaca doorashooyinka Somaliland ee dib u dhaca soo noqnoqday, wuxuuna ka hadlay qodobada hortaagan ee u baahan xalka.
Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay maanta mar uu xadhiga ka jarayay oo lagu qabtay Hargeysa, wuxuu sheegay in haddii aanay Somaliland qaban doorashooyinka inay xaaladu adkaanayso, isagoo dhinaca kalena xusay in loo baahanyahay in dhawr qodob oo hortaagan doorashooyinka iaa Somaliland ay meel iska dhigto aanay hore u soconayn.
“Haddii aynaan doorashooyinka qaban waqtiga ugu suurtagalsan waa dhab taladeenu way murgaysaa, mana aha mid aynu is diidsiin karayno, sababtoo ah doorashooyinka oo dhan way daaheen, waana tabar daraanteena.”
Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in Xisbiyadii curdin yihiin, sharciyadii curdin yihiin, sidaa awgeed ay wax walba curdin yihiin, sida Laydhkeenu u jabi layahay ee aynu Wershadii Sibidhka u dhisan lanahay ayay siyaasadeenuna u curdin tahay, ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi, wuxuuna ku baaqay in marka hore mudnaanta la siiyo in siyaasada la dejiyo, si markaa kadib iyadoo aan lays canbaaraynayn oo aan lays caayayn oo gamcaha lays haysto doorashooyinka la qabto.
Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in golayaashu aanay ahayn kuwo aan doonayn in la bedelo, balse Dastuurka qodob ka mid ah oo ay Somaliland mahadisay uu jiro, kaas oo sheegaya in gole la doortay gole doorasho ku yimi uu bedeli karo, wuxuuna sheegay in qodobkaasi yahay qodobka ay Somaliland dheertahay Soomaaliya, si aanay Somaliland fawdo iyo is dhexyaac u gelin, waana marka keliya ee aynu talada saxda ah helay, isagoo dhinaca kale xusay in aanay taa macneheedu ahayn inuu taageerayo dib u dhaca doorashooyinka.
“Dadka qodobkaa dhibsanaya, waa inay fahmaan waxay Soomaaliya la degi weyday waxay la’adahay, gole bedela gole ha gaadho, raagida doorashadu waa dhibaato, laakiin waxay dhaantaa fowdada iyo is dhexyaaca, ma xalaalaynayo raagista doorashada, waxaase keentay tamar daradeena” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.
Wuxuu Madaxweyne Biixi tibaaxay in doorashooyinka ay hortaagan yihiin saddex qodob oo ka ugu muhiimsani yahay dhaqaalaha, waxaan leeyahay haddii Somaliland dhaqaalaheeda doorashada iskaga bixin weydo oo cid kale ka bixiso weligeed horumar gaadhimayso, “Waynu bixin karaa dhaqaalaha doorashada wax weyn maaha, waana inaynu u ragnaa doorashada maamulkeenii iyo mustaqbalkeenii ee aynaan u araan u arkin nin kursi doonaya, komishanka iyo saami qaybsiga waa arrimo fudud, waana wax aynu ka heshiin karo, kuraasta saamiga iyo Komishanka, markaa waxaan leeyahay waa in muddo gaaban laysugu tagaa sidii doorashada loogu qaban lahaa.” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.