Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa magcaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, kadib markii uu todobaadkan geeriyooday Taliyihii hore, sidoo kale Madaxweyne Biixi wuxuu magcaabay Taliye xigeenka koowaad ee Booliska, isagoo xilkii ka qaaday Taliye xigeenkii hore oo muddo ka yar bil xilkaa hayay.


Sidaana waxa lagu sheegay War-qoraal ajh oo kasoo baxaday maanta Xafiiska Madaxweynaha, taas oo u qornayd sidan:- “Maxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.


Waxaanay u dhignayd wareegtada madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;


Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;


Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan

Markaan Sameeyey: La-tashi, Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan: Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud, Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.


Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax, Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
Dhinaca xil ka qaadis lagu socodsiiyay Taliye ku xigeenkii hore ee Booliska , Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire, waxaa lagu yidhi, Mudane, Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.


Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland