Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhiga ka jaray 12km oo ka mid ah Wadada isku xidha Berbera iyo Hargeysa oo qayb ka ah Mashruuca Cooridor, taas oo Madaxweynuhu xadhiga ka jaray maanta.

Eng. Tahir Mehmood ku hadlayey magaca shirkadda Nael $ Bin Harmal Hydaroexport Establishment (NBHH) ee dhismaha fulinaysa dhismaha waddada Berbera Corridor, ayaa ka hadlay dhismaha waddada , isagoo tilmaamay inay ka go’an tahay dhammaystirka Waddada Berbera Corridor oo muhiim u ah guud ahaan dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynaha iyo WasiirkaGaadiidka iyo Horrumarinta Wadooyinka Somaliland 1 Jun 2020 Araweelo News Network.

Wasiirka Wasaaradda Horrumarinta Wadooyinka iyo Gaadiidka Somaliland, Cabdullaahi Abokor, ayaa sheegay in qaybta xadhiga laga jaray ee Madaxweynuhu furay ay tahay 12 KM, oo qayb ka ah mashruuca Cooridor, wuxuuna xusay in culayska wadadii hore ahaa miisaanka 6tan, balse hadda ay marikaraan 40tan iyo wixii ka badan oo ay xamilayso wadadu culays ahaan.

Mr. Cabdullaahi Abokor, ayaa sidoo kale xusay in la ballaadhiyay wadada oo laga dhigay ballaceeda  11.3, halkii ay ka ahayd markii hore 6.5 ballaceedu, wuxuu sheegay in ay qorshaysnayd in la furo 20Km laakiin ay duruufo roobabka iyo waxyaabo kale oo caqabado ah ay ku yimaadeen, wuxuuna qorshuhu ahaa sida uu sheegay in shaqadu dhammaato bisha May, balse duruufahaa awgeed ay dib ugu dhacday Afar bilood oo danbe, wuxuuna qorshuhu yahay September 2021 inuu mashruucu dhamamado sida uu sheegay Wasiir Cabdullaahi Abokor oo warbixin ka siinaya Madaxweynaha dhismaha wadada.

Dhinaca kale, Madaxweynaha, ayaa ka hadlay ahmiyada wadadan iyo wadada Ceergaabo, wuxuuna uga mahad celiyay Dalka Imaaraadka ee mashruucaa iyo mashaariic kaleba.

Sidoo kale, wuxuu Wasaaradda ku amaanay hawsha wadooyinka, isagoo usoo jeediyay in ay hore u dhamaystiraan labada wado.

Halkan Ka Daawo.