Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xarunta guud ee Xisbiga KULMIYE   iska diiwaangeliyay.

Madaxweyne Biixi, wuxuu isu diiwaangeliyay si uu kaadhka ka qaybgalka shirweynaha Afraad ee xisbul-xaakimka KULMIYE u qaato, iyadoo horraanta bisha October 2020 loo qorsheeyay shirweyna Lixaad ee Xisbiga KULMIYE.

 

Madaxweynaha, ayaa maray nidaamka loo qorsheeyey in la mariyo cidkasta oo ka qayb-gelaysa shirweynaha xisbiga, waxana halkaas kusoo dhaweeyey xubnaha guddida qaban-qaabada shirweynaha Afraad oo hawlahoodii shaqo ku dhex jira, iyada oo xubno kale oo isugu jira hoggaanka xisbiga iyo golaha wasiirraduna ay isla maanta mareen nidaamka ay ku helayaan kaadhka ka qaybgalka shirweynaha.

 

Shirweynaha Afraad ee xisbiga KULMIYE, ayey qaban-qaabadiisu meel fiican maraysaa, waxana gebogebo ku dhaw is diiwaangelinta ergooyinka gobollada iyo degmooyinka dalka ka imanaya ee shirweynaha qaybta ka noqonaya.