Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegtooyin Madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-443/012020 iyo JSL/XM/WM/222-444/012020, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
Qoraalka Wareegtooyinka, ayaa u dhignaaa Sidan:-
Wareegtooyin Madaxweyne


UJEEDDO: XIL KA-QAADIS


Ku: Amaal Cabdi Xasan Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Hay’adda Dhawrista Tayada


Ku: Maxamed Aadan Xirsi, Agaasimaha Guud ee Komishanka Maamul Wanaaga


Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Maamul Wanaaga. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalkaa Qaranka.
MAGACAABID:-


Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay Inay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland