Qorshayaal Cusub Oo Madaxweynuhu Sheegay In Xisbiga WADDANI Iyo Xukuumaddu Ku Xisaabtamayaan

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ka hadlay qaabka uu xukuumaddiisa usoo xulay markii uu ku guulaystay doorashadii 13 Nov 2024.

Madaxweynaha oo maanta ka qaybgalay furitaanka xarunta labaad ee xisbiga WADDANI oo Hargeysa laga furay, ayaa yidhi, “Xukuumadda aynu soo dhisnay waxa inta baddan keenay Guddoomiyaha Xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, annigu waxan magcaabay dhawr qof oo xubnihii Xisbiga ahaa.” ayuu yidhi, sidaa awgeed wuxuu sheegay in xukuumadda maanta jirtaa kaga duwantahay xukuumadihii hore in masuuliyiinta la magcaabay inta ugu baddan ka yimaadeen xisbiga, taas oo  sida uu sheegay aannay Axsaabtii hore iyo xukuumaddii hore samayn jirin.

Dhinaca kale, Madaxweynuhu wuxuu ka sheegay munaasibada in lala xisaabtami doono cid walba oo Xisbugu samayn doono barnaamij lagula xisaabtamayo masuuliyiinta xilalka loo dhibay.

Madaxweytne Cirro, ayaa tilmaamay waxyaabaha xukuumaddu qabatay mudadii ay joogtay, isagoo tilmaamay mashaariic uu sheegay inay bilaw yihiin iyo qorshayaashii  qaramaynta ciidamadii medeniga ahaa iyo arrimaha nabadgelyada ee Ceel-afweyn iyo nabada Ceergaabo.

Mar uu ka hadlayay siyaasadda arrimaha Dibadda, wuxuu sheegay in meel fiican ay marayso oo wax weyn laga qabtay, isla markaana dhowaan la filayo guullo waaweyn.

“Xukuumaddu waxay ku shaqaynaysaa barnaamijkii Xisbiga ee uu ku guulaystay, dhowaana marka la gaadho Disember waxa lasoo bandhigayaa wixii qabsoomay, waana in masuuliyiintu is xisaabiso inta aan la xisaabin ayuu yidhi, Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Sidoo kale, waxa munaasibadda ka hadlay guddoomiyaha xisbul xaakimka WADDANI Xirsi Cali X Xasan iyo madaxda sare ee xisbiga.

Xafiiskan cusub ayaa noqonaya Xarunta ugu balaadhan ee xisbi Somaliland ah yeesho waxayna qayb ka tahay geeddi socodka xisbigu isugu diyaarinayo xisbi xaakim hawlihiisa shaqo la joogteeyo.

Munaasibadda daahfurka waxa kale oo kasoo qayb galay xubno ka mid ah wasiiradda iyo masuuliyiin kale oo xilal ka haya xukumadda, xildhibaanno, hoggaanka xisbiga,  taageerayaal rag iyo haween ah.

Khudbad uu ka jeediyay Xirsi Cali X Xasan madasha ayuu ku sharaxy ujeedada xarunta labaad ee Xisbiga loo furay, isagoo shaxaray qaabka ay doonayaan xisbi ahaan in masuuliyiinta xukuumadda ula shaqeeyaan, sidaa awgeed wuxuu soo jeediyay in masuuliyiinta xilalka hayaa u yimaadaan hoggaanka Xisbiga si Xisbigu ula xisaabtamo, iyadoo Madaxweyne Cabdiraxmaan ka aqblay dalabkaa Guddoomiyaha Xisbiga.

Muuqaalka Khudbada Madaxweynaha halkan ka Daawo.