Jawaabaha Kulul Ee Trump Oo ku talmaamay Dagaal-ooge John Bolton oo Ahaa La Taliyihiisii Arrimaha Amniga, Waa Kuma Siyaasiga Johon Bolton, Warbixin, By Arraale M Jaamac


New York(ANN)-Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa ka cabsi qaba in markhaatiyaal qaarkood ka socdaan Xisbiga Jamhuuriga ay ku marag furaan marka la horgeeyo Maxkamadaynta Aqalka senatarada Marayka Jimacaha maalinta Beri.


Donald Trump, ayaa ku shaaciyay Bartiisa Twitter-ka Arbacadii, isaga oo ku baaqaya in maxkamad la soo taago si dhakhso ah loogu soo gabagabeeyo Guurtida Mareykanka ee Aqalka Senatka, halkaas oo xulafadiisa Xisbiga jamhuuriga ay ku badan yihiin.

Balse Qaar ka mid ah xisbiga Jamhuuriga, ayaa u muuqda kuwa difaacaya istiraatiijiyadda xisbiga ee ah inay ka badbaadiyaan Trump xilka qaadista, taasoo ka dhigtay hogaamiyaha aqlabiyadda Mitch McConnell, inuu qirto in anaay haysan codadka lagama maarmaanka u ah inay ka hor istaagaan markhaatiyaal badan inay ka marag furaan Madaxweynaha marka la horgeeyoAqalka sare ee Kongareeska Mareykanka. si loo maxkamadeeyo maalinta Jimacaha.

John Bolton, oo ah la taliyihii amniga qaranka ee shaqada uu ka eryay Trump, isla markaana xilkaa hayay, April 9, 2018- September 10, 2019, isla markaana ah nin awood badan oo ruug-cadaa dhanka Siyaasada, amniga iyo arrimaha Dublamaasiyada ah, ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga, ayaa ka dhawaajiyay inuu diyaar u yahay inuu hortago Aqalka senateka. Lev Parnas, oo sidoo kale si toos ah ugu hawlanaa hawlgalkii Trump ee Ukraine, ayaa noqnaya qof kale oo muhiim ah oo diyaar u ah inuu ku marag-furo.
Xubno sare oo ka tirsan xisbiga jamhuuriga ayaa hadda difaacaya Bolton inuu hortago Aqalka sanetka, uuna halkaa ka caddeeyo wixii dhacay xilligii uu la taliyaha u ahaa Trump. Laakiin kuwa kale oo baddan waxay sheegeen in loo cadeeyo tirada marqaatiyaasha ee hortagaya aqalka.


Hase yeeshee Madaxweyne Trump, oo ka cadhaysan arrinta la taliyihiisii amniga qaranka, ayaa yidhi, ” John Bolton muxuu uga caban waayey “wax aan micno lahayn” wakhti dheer ka hor, markii si guud loo joojiyey. Wuxuu yidhi, maaha inay taasi khusayso, Maanta, ayuu yidhi madaxweynaha Maraykanka oo ku qoray bartiisa Twitter-ka .

Sidoo kale, waxa jira Buugga la sheegay in loo diray Aqalka Cad si dib u eegis loogu sameeyo arrimaha ku qoran iyo macluumaadka uu xanbaarsan-yahay, waxaana la tilmaamay in waxyaabaha buugga ku qoran ay ka mid yihiin in madaxweyne Trump uu si toos ah ugu sheegay Bolton in uu hakiyo kaalmada militari ee Ukraine, si cadaadis loogu saaro in ay ka caawiyaan in doorashada 2020-ka uu ku guuleysto.

Balse, Trump ayaa Twitter-ka ku weeraray la Taliyihiisii arrimaha amniga John Bolton, wuxuuna buugga ku tilmaamay “qashin iyo been”. wuxuu sheegay in Bolton aannu weligii kala hadlin xidhiidhka ka dhexeeya kaalmada militari iyo arrimaha gudaha ee Mareykanka, isagoo yidhi, “Haddii aan dhageysan lahaa, John Bolton, waxaan hadda ku jiri lahayn dagaalka lixaad ee dunida”.ayuu yidhi, Trump,


Dhinaca kale war kasoo baxay Aqalka Cad, ayaa lagaga hadlay arrintan, waxaana Agaasimaha Golaha Amniga Qaran ee Mareykanka (NSC), Ellen Knight war qoraal ah oo loo diray Bolton ku sheegtay in la maro hannaanka dib u eegista horudhaca ah, iyo in buugga “ay ku qoran yihiin macluumaad u muuqda kuwa ah sir wayn”.

Dhegeysiga Maxkamadaynta Madaxweyne Trump, ayaa la filayaa inay ka dhacdo Aqalka Sanetka maalinta Jimcaha beri ah 31 jan 2020, senatarada Mareykanka waxay qabanayaan codeyn muhiim ah oo la xidhiidha in marjkhaatiyada kiiska Trump la waraysan karo iyo in kale.


Dumuquraadiyiinta waxay dalbanayaan in Mr Bolton uu ka markjaati furo Aqalka Sanetka hortiisa. Sidoo kale xubno ka tirsan Jamhuuriga waxay soo jeediyeen in ay wanaagsan tahay in la maqlo lana dhageysto la taliyihii hore ee Amniga u qaabilsanaa Trump, kaas oo ah nin ahmiyad weyn uu yeelanayo markhaatigiisu.

John R. Bolton, oo ahaa la Taliyihii amniga qaranka ee shaqada uu ka eryay Trump, April 9, 2018- September 10, 2019, waa siyaasi a ah, wood badan oo ruug-cadaaruug-cadaa ah, isla markaana xilal kala duwan kasoo qabtay dhanka Siyaasada, amniga iyo arrimaha Dublamaasiyada, wuxuu ka tirsan yahay Xisbiga Jamhuuriga, wuxuuna lasoo shaqeeyay Madaxweynayaal baddan, isagoo safka hore kaga jiray kooxdii Madaxweyne Bush ku hoggaaminaysay duulaankii Ciraaq, isagoo ahaa Kaaliyaha Xoghaya Arimaha Dibedda ee Xakamaynta hubka iyo Arimaha Amniga Caalamiga ah ee Maraykanka, August 2, 2005 – December 31, 2006, waana markaa kadib uu Madaxweyne George W Bush u magcaabay safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay laga soo bilaabo August 2005 ilaa Diseembar 2006
Sidoo kale, wuxuu lasoo shaqeeyay Madaxweynihii 41aad ee Maraykanka George H. W. Bush, u ahaa Kaaliyaha Xeer Ilaaliyaha Guud ee Mareykanka ee Qeybta Madaniga ah, wuxuuna xilkaa hayay May 22, 1989 – January 20, 1993, isla markaana wuxuu lasoo shaqeeyay Madaxweynayaal baddan oo soo maray Maraykanka,


John Robert Bolton waa qareen Mareykan ah, waana falanqeeye siyaasadeed, lataliye Xisbiga Republican ah, dibloomaasi hore iyo lataliyaha amniga qaranka, Madaxweyne Trump ayaa Talaadadii shaqada ka eryay 17, bilood kadib markii John R. Bolton, oo ahaa la taliyihiisii seddexaad ee amniga qaranka ee Madaxweyne Trump magcaabo muddo ka yar saddex sannadood, iyadoo ay jiraan khilaafaadyo aasaasi ah oo lala xidhiidhay inuu Trump xilka ka qaado John Bolton, kuwaas oo la xusay inay ku jireen sida loo maareeyo caqabadaha waaweyn ee siyaasada arrimaha dibedda sida Iran, Waqooyiga Kuuriya, Afghanistan iyo meelo kale, isagoo u olalaynayay in awood millateri loo adegsado, waxaana lagu tilmaama inuu Bolton ahaa xilligii uu xafiiska hayay qofka koobaad ee Madaxweyne Trump, si weyn ugu dhiiri-gelinyay arrinta Iran iyo meelo kale oo siyaasada arrimaha dibbeda ee Maraykanka ku noqotay Bar-madaw.