Muqdisho(ANN)-Maxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo, oo furay kalfadhiga 7-aad ee baarlamaanka, ayaa la kulmay qaylo iyo sawaxan, isagoo doonnayay inuu khudbad ka jeediya furitaanka Fadhigaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu khudbaddiisa billaabay daqiiqado gudahood, waxa ka horyimi sawaxa, Foori iyo qaylo, kadib markii qaar kamid ah mudanayaasha madasha fadhiyay ee kasoo xaadiray qaylo isla oogsadeen, taasoo dhalisay in muddo dhawr daqiiqo ah ay hakad gasho khubadda Madaxweynuhu, isla markaana xaaladdu noqotay mid cabsi gelisay Madaxweyne Farmaajo.

Hase yeeshee Madaxweyne Farmaajo, ayaa mar danbe bilaabay khudbaddiisa, taas oo uu kaga hadlay arrimaha doorashooyinka, wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya, arrimaha amniga iyo arrimo kale, balse kuwaaas ayaa ka mid ahaa qodobada ugu muhiimsan ee laga sugayay inuu kusoo qaado khudbaddiisa.

Wuxuuna, isagoo ka hadlaya arrimaha doorashada sheegay inuu ku faraxsan yahay sharciga doorashada ee uu dhawaan saxeexay, sharcigaa oo tilmaamaya in awoodda dadweynaha gacantooda lagu celinayo si ay u doortaan xisbiga iyo dowladda ay doonayaan in ay dalka hoggaamiso.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay in doorashada soo socoto uu rajaynayo in ay waxbadan kaga  duwanaan doonto kuwii hore, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay usoo baxaan si ay u doortaan xildhibaannadooda iyo xisbiga ay doonayaan inuu hoggaamiyo dalka.

 

“Waxaan u gudubnay xilli muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu si xor ah ugu dhiiban doono codkiisa, si uu u doorto madaxda uu doonayo,”ayuu yidhi, Farmaajo.

“Seddaxdii bilood ee ugu horeysay 2018,  waxaa Muqdisho ka dhacay 182 fal-dembi, halka seddaxdii bilood ee ugu horreeyay 2019, ay dhaceen 74 fal-dembi, sanadkan aan ku jirno waxaa ka dhacay 24 fal-dembi, fari kama qodna illaa aan geyno meel hoose,” ayuu yidhi, Farmaajo, isagoo xusay in taas macneheedu ahayn in ammaanku halkii la doonayay gaadhay, balse wuxuu sheegay in ay xukuumad ahaan dedaalayaan.

Mar uu ka hadlayWadahadallada Somaliland iyo Soomaaliya ayaan in muddo ah qabsoomin. Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbaddiisa ku sheegay inuu soo dhaweynayo in madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ka aqbalay in dib loo billaabo wadahadalladaasi, “wax kasta oo jirana ay ku dhameeyaan walaaltinnimo, wadahadal iyo is afgarad,”

Farmaajo iyo Muusi Biixi ayaa ku kulmay Addis Ababa February, balse ma cadda waxa ay ka wada hadleen, waxase la oggaa oo keliya in Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abby Axmed uu labada hoggaamiye isu keenay.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sheegay inuu taageersan yahay in doorashada ay ku dhacdo waqtigeeda si ammaan ah, isla markaana ay sidaa oo kale qabaan labada gudoomiye ee baarlamaanka iyo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, sida uu ku xusay khudbaddiisa Madaxweyne Farmaajo.