Araweelo News Network

Dhuusamareeb(ANN)- Madaxweynaha dowladda Federaalka ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa khudbad uu ka jeediyay markii lasoo gebagebeeyay shirka, wuxuuna u mahad celiyay dhammaan madaxdii toddobada maalmood ku sugnayda Dhuusamareeb.

 

“Waxaan isu jirnay dhulka iyo cirka, xaqiiqatan. Iyagu waxay taagnaayeen inay wax soo xulaan – oo waliba lambarkii 51-da ahaa hoos uga dhacaan, qaarkoodna ay yidhaahdeen ‘maxaan madaxweyne u ahayn haddii aannan waxba soo xuleynin’, anigana meeshii aan joogay waa la ogaa. Xaqiiqatan Allah wuu na tusay wixii aan u arkaynay inuu xal ahaa,” ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlayay sida ay dhinacyadu ugu kala aragti duwanaayeen arrimaha doorashada.

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale ka codsaday madaxda maamul goboleedyadii ka maqnaa shirka inay aqbalaan go’aannada soo baxay, isagoo yidhi, “Walaalaheen qaar ayaa ka maqnaaday shirka, runtiina aan rabo inaan uga mahadceliyo dadaalkii ay horay u sameeyeen, haddana aan ku dhiirrigalinayo inay nagu raacaan go’aannada aan soo qaadannay. Waa go’aanno aan dalkoo dhan u qaadnay, iyagana aan u qaadnay, maadaama waqti uu nagu socdo, intaas in ka badanna aannaan sugi karin.” Ayuu yidhi madaxweynaha dowladda federaalka.

 

 

Sidoo kale, waxa gebagebadii shirka hadalo ka jeediyay Madaxweyneyaasha maamul goboleedyada Koonfur-Galbeed, Hir-shabeelle, Gal-mudug iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kuwaas oo dhammaantood  ka hadlay sida loogu baahan yahay hirgelinta qodobbadii kasoo baxay kulanka.