Araweelo News Network

saylici1 Hargeysa (ANN) Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna Ku-simaha Madaxweynaha Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ugu baaqay dadweynaha inay ilaashadaan nabadgelyada iyo qarannimada dalkooda.
Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Madaxtooyada shalay, waxa Madaxweyne-ku-xigeenku ku hambalyeeyey shacbiga reer Somaliland iyo guud ahaan shucuubta muslimiinta caalamka curashada sannadka cusub ee Islaamka amma Hijriyada ee 1438-ka oo curtay Axadda maanta.
“Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku simaha Madaxweynaha Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) isagoo ku hadlaya magaciisa, iyo ka shacbiga Somaliland waxa uu munaasibadda sannadka cusub ee Islaamka 1438 (Hijiriyada) awgii, kuna beegan maalinta Axadda (maanta) ee taariikhda miillaadiguna tahay 02/10/2016 uu hambalyo, bogaadin iyo ducaba u dirayaa guud ahaanba shucuubta islaamka, gaar ahaana shacbiga Somaliland meel kasta oo ay joogaan.
Sidoo kale, ku-simaha Madaxweynuhu waxa uu hambalyo taas la mid ah u dirayaa waddamada islaamka iyo shacbiga muslimiinta ah ee ku nool dunida dacalladeeda kala duwan, isagoo ku tahniyadaynayaa curashada sannadka cusub ee Islaamka awgii.
Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu Ilaahay uga baryayaa in uu shacbiga Somaliland iyo shucuubta islaamka guud ahaanba sannadkan sannadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash, baadhaadhe iyo barwaaqo, inta buktana uu ka dulqaado xannuunka, inta caafimaad qabtana uu u siyaadiyo, intii dhimatayna naxariistii janno ka waraabiyo.
Ugu dambayn, waxa uu Madaxweyne-ku-xigeenku ugu baaqayaa shacbiga Somaliland in ay nabadgelyada iyo qarannimada dalka ilaashadaan, una soo wada jeedaan oo indho dheeraad ah u yeeshaan cadawgeenna, si aynu u gaadhno himiladeenna qarannimo, innagoo isku duuban shacbi iyo xukuumaddaba,” ayaa lagu yidhi warsaxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Madaxtooyada Eng. Xuseen Aadan Cige (Dayr).