saylici1Hargeysa(ANN)Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa ka hadlay qorshaha xukuumadda ee tabashooyinka mumateliinta mucaardku ka muujiyeen muddo-kordhinta loo sameeyay Madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladda Somaliland.
Madaxweyne ku xigeenka JSL Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo saaka shir jaraaid ku qabtay Xafiiskiisa ayaa sheegay inay Xisbiyada qaranka u fidinayaan shir wadahadal oo lagaga arinsanaayo khilaafka siyaaseed ee ka taagan mudo kordhintii ay sameeyeen golaha guurtidu, waxaana uu xusay Madaxweyne ku xigeenku in 20-bishan laysugu iman doono shirkaasi wada tashi ka dib xuska maalinta qaranimada somalind ee 18-ka may , Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa hoosta ka xariiqay in umada Somaliland caan ku tahay wada tashiga islamarkaana ka xukuumad ahaan ugu baaqayaan asxaabta qaranka shirkaasi wada hadal.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.