Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qaybgalay maanta gebagebada shir lagaga arrinsanayay sidii loo ogaan lahaa caqabadaha hortaagan wax-soo-saarka dhinaca Beeraha ee dalka Somaliland oo muddo saddex maalmood ah ka socday xarunta Wasaaradda Horumarinta Beeraha ee Caasimadda Hargeysa.

Shirkaa oo ay ka qaybgaleen aqoonyahan badan oo takhusus dheer u leh wax-soosaarka Beeraha iyo cuntada iyo sidoo kale wakiilo ka socday Hay’addaha la shaqeeya wasaaradda Beeraha daneeyayaal dhinaca Beeraha ah, iyadoo shirka oo masuuliyiinta wasaaradda Beeraha oo ay hoggaaminyaan Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilko-case) soo abaabuleen, isla markaana mudadii uu socday lagu faaqdiyay sidii loo heli lahaa qorshe iyo tallooyin la xidhiidha kobcinta dhinaca wax-soo-saarka si ay bulshada reer Somaliland isku filnaansho uga gaadhaan Cuntada, isla markaana loo kobciyo dhinaca wax-soosaarka iyo dalaga midhaha Beeraha.

Wasiirka Beeraha Somaliland Iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda

 

Gunnaanadkii Shirkaa, waxa sidoo kale ka qaybgalay Guddida khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiiladda Somaliland iyo masuuliyiin kale, waxaana hadalo ka jeediyay Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Muumin Seed iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Md. Maxamed Cilmi Aadan (Ilko-case) iyo masuuliyiin kale, iyadoo qodobo loo arkay inay wax ka tarayaan qorshaha dhow iyo qorshaha fog ee dhinaca wax-soosaarka Beeraha laga soo saaray gebagebadii shirka.

 

 

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo khudbada kooban ka jeediyey xidhitaanka shirkaa, ayaa tilmaamay muhiimada uu leeyahay wax-soosaarka Beeruhu, wuxuuna ku bogaadiyay Wasaaradda Beeraha dedaalka ay waddo iyo kulanka lagaga doodayay sidii qorshe iyo hawlgal la xidhiidha horumarinta wax-soosaarka  Beeraha loo abuuri lahaa.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxa kale oo uu ka hadlay dadka ku qoran LaTaliyayaasha ee ku mushahar qaata,  wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Aqoonyahankiina waanu idin soo dhaweynaynaa albaabkayagu wuu idiin furan yahay,  imika wa jirta la taliyeyaasheena waxa ay noqdeen wax qof lagu naas-nuujinayo oo yoom loogu abuuro oo qofka la taliyaha wasiirka ah,  amma Madaxweynaha u ah,  waa inuu yahay qof wax ku kordhinaya ee aanay noqon meel wasiirku laba qof oo uu danaynayo ku naas nuujiyo”.ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland.

 

Wasiirka Horumarinta Beeraha Somaliland Md. Axmed Muumin Seed oo khudbad ka jeediyey xidhitaanka shirka wada tashiga sidii loo gaadhi lahaa isku filnaansho cunto, ayaa ku dheeraaday muhiimada ay leedahay in bulshadu wax la soo baxdo, isagoo yidhi, “Dalkii waynu haysanaa, dadkiina waynu haysanaa,  markaa maxaa inaga hortaagan inaynu dalkeena wax kala soo baxno, khubarada wasaaradda oo ka kala yimi gobolada dalka oo dhan markaanu kulamo badan samaynay oo galinkii dambe aanu wasaaradda ku shaqaynay,  waxa ay ka gayoon wayday inay khubaradani isku timaado oo halkaa wixii ka soo baxa anigoo ah wasiirkii Beeraha aan halkaasi ka sii amba qaado oo aan sideeda u fuliyo”.

Wasiirka, ayaa sidoo kale ka hadlay waxa u qorshaysan, wuxuuna yidhi, “Waxaan dareemayaa oo aan ka wasaarad ahaan dareemayaa shacabka Somaliland-na dareemayaan in wax soo saarka dalkeenu hooseeyo, maxaa hooseysiiyey ayaa la is weydiiyey, halkana waxa ka soo baxay qodobo dhawr ah qaarna ay ahaayeen qaar  hore u yaalay,  qaar cusubina ay ku jiraan, wasaaradda waxa jooga dad wanaagsan oo u baahan in laga shaqaysiiyo  inta wasaaradda dibada ka joogtayna noqon mayso kulan maanta intay isugu yimaadeen maskaxda intay tuujiyeen ay iska noqdaane, waxaananu isku dayi doonaa inaanu kulamada noocan oo kale ah xoojin doono oo aanu ka dhigno kuwo bishiiba mar la qabto”.

 

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Maxamed Cilmi Aadan oo isna khudbad ka jeediyey xidhitaanka shirka ayaa yidhi,  “Arintani waxa ay ku calaamadsanaanaysaa halka maanta aynu ka dhaqaaqayno, waxaa kale oo madaxweyne ku xigeen sharaf noo ah inaad fursad u heshay madaxweyne ku xigeenkii u horeeyey ee Somaliland ee xukunka dib ugu soo laabtay oo laba jeer la shaqeeyey laba madaxweyne oo isna xogtii todobada sanno haya, halkaasina waxay noqonaysaa meel laga wada dhaqaaqo, waxaasi oo dhana waa fursadaha aynu haysano, waxaana laga maarmaan ah sidii aynu barnaamijkaasi kolba wixii suurto gal ah hay’ad, dawlad, baacaymushtar iyo beeralayba aynu ugu talo gali lahayn Beeraha, waxaanan leeyahay aynu dadka inoo soo shaxaad taga aynu mustaqblka dhaw siino raashin oo marka qofku wax ii dhiib yidhaahdo aad tidhaahdo waxba ma hayee halkaa saxaarad saytuuna ka sii qaado”.

 

Aqoonyahan Axmed Cilmi (Axmed Geel) oo ku hadlayay Afka Aqoonyahanka Beeraha ee bayaanka ka soo saaray sadex maalmood oo ay ka shirayeen sidii dalku isku filnaansho cunto u gaadhi lahaa ayaa waxa uu tilmaamay inay soo jeedimaha kasoo baxay kulankaa ay yihiin kuwa kooban, isla markaana loo baahan yahay sidii looga midho dhalin lahaa.

 

“Wax soo saarka Beeraha, Kaluumaysiga, Biyaha iyo wixii kale ee la midka ah, waxay ka mid yihiin waxa ay u baahan yihiin Bulshaddu, Annagana maskaxdayadii waxay nala noqotay inay u baahan yihiin qodobada aanu bayaanka kusoo saarnay oo ay ka mid yihiin, wax ka qabashada xaalada is bedelka cimilada,Tayeynta wasaaradda Beeraha, tayaynta shaqaalaha oo halka uu qof walba ku haboon yahay la gaynayo, samaynta wacyigalin dhinac walba ah, in miisaaniyada loo kordhiyo wasaaradda Horumarinta Beeraha, in wasaaraddu dejiso, ansixisana qorshaha dhaw iyo nidaamka beerashada, in la sameeyo dhulka ku haboon wax=soosaarka gobol kasta, in wasaaraddu xoojiso xidhiidhka wada shaqaynayneed ee gobolada (Beeralayda) iyo qodobo kale oo badan oo bayaanku xusayo”.ayuu yidhi,

 

Guddoomiyaha guddida khayraadka dabiiciga ah ee golaha wakiilada Somaliland oo madashaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey talaabada wasiirka cusub ee wasaaradda horumarinta beeruhu isugu yeedhay aqoonyahanada ku takhasusay arrimaha beeraha si ay uga fikiraan siyaabaha ugu wanaagsan ee loo gaadhi karo isku filnaansho dhanka cuntada ah, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Waxaan aad ugu mahadnaqayaa wasiirka cusub haddii talaabadii u horeysay uu ka dhigay inuu ururiyo wixii aqoon ahaa waan arkay qodobada ka soo baxay waana qodobo lagu duuli karo meel wax laga bilaabo ayaanay soo saareen, waliba aan codsan lahaa inaanay halkaa kaga hadhin ee ay si mutadawacnimo ah ula shaqeeyaan wasiirka iyo wasaaraddaba”. Axmed Cilmi (Axmed Geel)