Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-#Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa  maanta shaaciyey inuu ka tanaasulay damaciisii ahaa inuu mar kale kursigaas u tartamo.

 

Madaxweyne-kux-xigeenku waxa uu caddeeyey inuu  kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE uu uga tanaasulay, kuna dhisi doono wasiirka wasaaradda Ganacsiga, Dalxiiska iyo wersheddaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin) oo isagu dhawaan shaaciyey inuu yeeshay damac uu kaga mid noqonayo hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.

 

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay goob-joog ka ahaayeen, badiba  xubnaha hoggaanka ugu sarreeya xisbiga KULMIYE, xubno kamid ah golaha wasiirada,  xildhibaanno, haldoor iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE iyo waxgarad kale oo kasoo jeeda gobolka Awdal, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku kaga dhawaaqay inuu danta xisbiga iyo ta qaranka uga  laabtay damaciisii ku aaddanaa inuu mar kale isu sharraxo kursiga Afraad ee xisbiga KULMIYE oo shirweynihii lagu dooranayey maalmaha soo socda furmi doono.

 

Ugu horrayn wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha, ahna guddoomiye-kux-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa ku dheeraaday sida uu xisbiga KULMIYE, caanka ugu yahay talo-wadaagga iyo isqancinta, islamarkaana hoggaanka xisbiga oo isku duuban, xubno golaha wasiirrada iyo haldoorka gobolka Awdal  ku guulaysteen inay madaxweyne-ku-xigeenka ku qanciyaan tanaasulka, sharaf iyo karaamo badanna uu halkaas ku hantiyey oo uu qaatay go’aan tudhaale leh, xisbi ahaanna ay arrintaas mahad ballaadhan ugaga hayaan madaxweyne-ku-xigeenka Qaranka oo isagu go’aan ku gaadhay inuu ka hadho tartankii uu ugu jirey kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu si qoto dheer u sharraxay dedaalladii iyo naf-hurnimadii uu lasoo maray xisbiga KULMIYE waqtiyadii uu bilowga ahaa, isaga oo xusay inuu xisbiga lexejeclo badan ka qabo uu taariikh weyn ku leeyahay, islamarkaana uu mar walba muhiimad gaar ah siinayo wada-jirka iyo midnimada xisbiga.

 

Madaxweyne-ku-xigeenku waxa uu caddeeyey in go’aanka uu damaciisa kaga tanaasulay uu  yahay mid ay laf-dhabar u tahay  ilaalinta danta qaranka iyo isu haynta wada-jirka xisbiga KULMIYE  iyo taageerayaashiisaba oo uu sheegay inuu tacab badan soo geliyey,“Waxa aan maanta halkan usoo istaagay inaan u tanaasulo qaranka Somaliland, maadaama oo aannu xisbul-xaakim nahay oo aannaan xisbi mucaarid ahayn, xisbi xaakim khilaaf galaana qaranka dhibaato ku yahay, inaan maanta u tanaasulo qaranka Somaliland, xisbigii KULMIYE iyo  gobolkaygii Awdal oo xadaafiir doorasho hore u kala kaxaysay 2017-kii, saddexdaas markaan dhan walba ka rogay waxan qaatay inaan walaalkay wasiir Saajin Booskii uga tanaasulo,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

 

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Saylici, Waxa uu u mahadnaqay deegaannada gobolka Awdal ee uu dhalasho ahaan kasoo jeedo oo uu sheegay inay kaalin weyn ku lahaayeen go’aanka xisbiga iyo qaranka danta u ah ee uu qaatay iyo tudhaalaha ay xisbiga u hayaan, isaga oo cid kasta oo damaciisa taabacsanayd ugu baaqay inay ku daba faylaan oo la shaqeeyaan wasiir Maxamuud Axmed Sacad (Saajin) oo isagu u sharraxan kursiga guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE.

 

Wasiirka wasaaradda Ganacsiga, dalxiiska iyo wershedaha, Mudane Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), ayaa dhankiisa ka  mahadceliyey tasaasulka uu madaxweyne-ku-xigeenku u sameeyey, isaga oo tallaabadaasna ku tilmaamay mid tudhaale badani ka muuqdo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxan uga mahadnaqaya madaxweyne-ku-xigeenka oo gartay inuu iiga tanaasulo arrintii aannu isku qabannay, waa nin xisbiga raggii dhisay kamid ah, dedaal badannina kasoo galay, isaga oo u tudhaya xisbigii uu Aasaasayaashiisa kamid ahaa, maanta inuu iiga tanaasulo wuxuu iga mudan yahay mahad.”

 

Ugu dambayntii waxa uu wasiirku si guud ugu mahadnaqay cid kasta oo isu soo dhaweynta iyo tanaasulka ka shaqaysay ee xilka iska saartay, isaga oo shacabka gobolka Awdal-na ugu baaqay inay wada-jir ula shaqeeyaan, islamarkaana uu madaxweyne-ku-xigeenku yahay musdambeedkiisa.

Wa bilaahi Tawfiiq

 

Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland