Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey wakiilka Hay’adda qaramada midoobay una xilsaaran horumarinta dhallaanka ee UNICEF u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Mr Steven Lauwrier.

Kulankan madaxweyne ku-xigeenka iyo u qabsanaha hay’adda UNICEF ee Somalilnad iyo Soomaaliya, ayaa lagaga wada hadlay arrimo dhawra oo ay ka mid yihiin dardar-gelinta iyo ballaadhinta mashruuca maamul-daadejinta dawladaha Hoose ee JPLG oo lagu wado in laga ballaadhiyo sidii hore, waxa kale oo ay madaxweyne ku xigeenka iyo madaxa weftigu ka wada hadleen xaaladda abaarta ka soo cusboonaatay gobollada dalka qaar ka mid ah oo waqti yar dabadeed mar kale dib usoo rogaal celisay, xilli aan laga soo kaban raadadka abaartii sanado ka hor dalka oo dhan saamaysay, waxaana uu wakiilku ballan qaaday in ay qayb weyn ka qaadan doonaan dhinacooda.

Waxyaabaha kale ee kulankan lagaga wada hadlay, ayaa waxa kamid ah mashruuc cusub oo ay UNICEF ugu talo-gashay in lagu nafaqeeyo Hooyada iyo dhallaanka, iyada oo qorshaha sannadka cusub ee 2018-ka ee ay UNICEF ugu talo-gashay inay ka fuliso Somaliland-na uu kamid ahaa waxyaabihii kulankan lagu faaqiday, waxaana uu u qaysanaha hay’adda UNICEF ee Somaliland iyo Soomaaliya, Mr Steven ku ammaanay Somaliland dedaalka iyo horumarka ballaadhan ee ay ka samaysay dhinaca arrimaha bulshada, taasna ay abaalkeeda ku heleen in sanadkan cusubi uu noqdo mid ka duwan sanadihii hore oo deeqaha ay ugu talo-galeena ay noqonayaan kuwo si toos ah loogu soo hagaajin doono Somaliland oo aanay UNICEF cid kale u soo marinayn.

Kulankan, ayaaa ku soo dhammaaday is af-garad iyo in meel looga soo wada jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa adeegyada la xidhiidha arrimaha bulshada ee ka dhexeeya Somaliland iyo UNICEF.

 

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland.