Araweelo News Network

madaxweyne ku xigeenka Somaliland

Hargeysa(ANN)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caddeeyey in aan dal qaran ah la dhisi karin inta la ixtiraamayo qabiilka, laguna dhaqmayo nin jeclaysiga.
Md. Cabdiraxmaan Saylici, ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka jeediyey xuska maalinta 26-ka June oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada habeenkii Salaasada, waxa uu tilmaamay in bulshada reer Somaliland ay masuuliyad iska wada saarto sidii looga bixi lahaa qabylaadda, loona dhisi lahaa qaran.
“Shacabka reer Somaliland waxaan leeyahay dawladnimo waynu haysanaa maanta reer Somaliland-now, intaynu qabiil ixtiraamayno ee qabiil iyo nin jecelaysi aynu wadno qaran dhisi mayno, qaranimo waxaynu ku dhismaynaa inagoo qabiilka halkaas iska dhigna, haddii aynaan qabiilka halkaas iska dhigayn qarannimo dhisi mayno, waxa aynu u baahan nahay inaynu ka baxno, qo-qobka iyo nin jeclaysiga, dhammaanteen waa masuuliyad ina wada saaran,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku.
Waxa kaloo sheegay in taariikhda 26-ka June ay tahay mid ku weyn qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, maadaama ay tahay maalintii Somaliland ka hoos baxday maxmiyaddii Boqortooyada Ingiriiska sannadkii 1960-kii, waqtigaas oo hadda laga joogo 57 sanno.
“Awoowyaasheen iyo aabayaasheen ayaa halgan dheer ka dib waxay ku guulaysteen in 26-kii Juun 1960-kii in gacanta laga saaro qaranimadii, oo Ingiriis calankiisii iska lab-laabto, oo aynu noqono calan Soomaaliyeed kii u horayeeyey in laga taago Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan caasimadda Hargeysa, oo maanta caasimadda Somaliland ah, Ilaahay ayeynu ugu mahadnaqaynayaa, haddana qadarka ayaa iska qoran, waxa Ilaahay qadaray in xoriyadii qiimahaa lahayn ee taariikhdaa loo soo maray ee sidii dadku sugayey laga warramay inaynu si dhib yar uun u dhiibno, jacayl walaalnimo iyo Soomaali-nimo uun, iyadoo ummaddii Soomaaliyeed oo shan meelood ku kala xidh-xidhnayd inay meel isugu timaad innagu aan ka noqono hormuud, iyadoo aan cidna inagu khasbin aan ku tagnay garaadkeena, maskaxdeena iyo ikhtiyaarkeena iyo walaal jacaylnimo aan ula tagnay walaalaheenii koonfurta, dabadeena aan noqonay qaran, ay ku midoobeen laba dal ee jiray, oo midna mustacmaraddii Ingiiriis ahaa midna uu Talyaanigu uu gumaysan jiray, taasi waxay dhacday in markiiba saluugu uu soo baxay, intaan laba gaadhinba wakhti dheer oo dagaal dhacay, oo burbur dhacay, oo dulmi dhacay ka hor, abwaanadeenaa sheegay,oo Tima-cadde ka mid ahaa, 1962-kiina dhallintii Somaliland ee ciidammadu waa kuwii isku dayey inay qaranimada soo celiyaan, laakiin wakhtigii Alle qadaray ayey soo noqotay, waxaynu xoriyaddii la soo noqonay 18 May 1991-kii, iyadoo ummadda reer Somaliland go’aan-satay inay mar labaad la soo noqdaan xoriyadoodii ay kula midoobeen dawladoodii kale ee Soomaaliya, taasina waa mid ku timmi rabitaan shacab, mid laga noqonaya maanta maaha, cid u fadhidaana aaney jirin,” ayuu yidhi Md. Saylici.
Waxaannu intaas ku daray; “Qaranimada aynu la soo noqonay kuma aynu khasaarin, iyagiina (Soomaaliya) waa kuwaa ilaa maanta dhibaatada haysata aynu ognahay, waanaynu uga ducaynaynaa, waa dad muslim ah oo walaalaheen ah, mar walba waxaynu innagu diyaar u nahay in wadahadalkii Somaliland iyo Soomaaliya uu socdo, innagoo ujeedadeenu mar walba tahay in aynu laba dal oo Soomaaliyeed oo Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda Soomaaliya la yidhaa aynu ku heshiino, walaaladeen iyaguna ay danahooda ka tashadaan, innaguna aynu kuweena ka tashano, mar walba diyaar ayaanu u nahay wadahadalkaasi, laakiin walaaladeen waxaad mooday in dad ina qabsaday ay ahaayeen oo dad walaalnimo isugu tagay sideedii oo kale uma dhaqmaan, waxay u dhaqmaan sidii dad ina qabsaday oo hadalo laaxin leh ay yidhaahaan oo iyaga oo aan ka talin caasimaddii Muqdisho ayey ku hadaaqayaan ilaa Lawyo-cado ayaanu ka talinaa, waa nasiib-darro, madaxda cusub ee dhallinyarada ah ee maanta Soomaaliya loo doortay waxaan leeyahay jidkii kuwii hore ay ku habaabeen ha marina, duniduna horumar ayey gaadhay qof walbana waa lagu ixtiraamaa ra’yigiisa, umadda reer Somaliland go’aanka ay qaateen waa inay ku ixtiraamaan oo aanay isku daalin.”