Araweelo News Network
ahmedyusuf
Hargeysa(ANN)Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa ku baaqay in degdeg loogu hawlgalo sidii loo dhisi lahaa ciidanka cirka dalka oo uu ku tilmaamay mid ahmiyad weyn leh xilligan.
Md. Yaasiin waxa uu sheegay in aannu adduunku nabad ahayn, sidaa darteedna Somaliland u baahan tahay in ay xoojisato ciidammadeeda kala duwan ee dhulka iyo badda, si degdeg ahna u samaysato kuwa cirka.
“Waxaan u soo jeedinayaa xukuumadda oo muhiimad weyn leh oo aan leeyahay ha lagu daro miisaaniyadda samaynta ciidammada cirka. Somaliland waa inay xoogga saartaa sidii ay u dhisi lahayd ciidammadeeda cir, dhul iyo badba. Waxaan filayaa adduunku nabad maaha weli la inama ictiraafin, dadna waynu kala go’nay, markaa waxaan leeyahay ciidankii cirka degdeg ha loo sameeyo oo weliba ha lagu daro miisaaniyaddan maanta,” ayuu yidhi Md. Axmed Yuusuf u warramay telefishanka madaxbannaan ee STAR shalay.
Waxa kaloo uu ka hadlay go’aanka lagu kala qaaday labada doorasho iyo mowqifka beesha caalamku kaga soo horjeesteen tallaabadaas, waxaannu ku taliyey in mar walba ay muhiim tahay Somaliland taladeeda iyadu yeelato.
“Isku-tashiga ummad gudaheeda ah waa arrin dhaxalgal ah, marka wax gacmaha laguugu hayo iyo marka aad adigu waxaaga haysato waa kala gaar, caalamkana ka maarmi maynno oo wax baa innagaga xidhan oo maantana caalamkii waxaaba laga dhigay guri keliya, laakiin inay Somaliland isku tashato waan qabaa oo aanay arrimuhu korka innagaga iman oo aan laynagu odhan taa sameeya, Somaliland iyada ayaa og arrimaha gudaheeda iyo sida ay wax ugu najaxayaan.
Tan kale ee caalamka marka wax gacanta laguugu hayo bal imminka Koonfur (Soomaaliya) eega mushaharkii shaqaalaha ayaa gacanta loogu hayaa, tii ciidammada ayaa gacanta loogu hayaa, ciidamo soddon kun ah ayaa fadhiya. Waxaad mooddaa meel si dadban loo maamulo, waana loo maamulaa, inay innaguna taasi ku dhacno ma jecli, caalamkuna waa in wixii aynu doonayno haddaynu nidhaa halkaa waxaas ayaa laga qaban karaa oo ku habboon waa inay innagu raacaan, waddankeenna gudihiisana innaga ayaa og.”
Dhinaca kale, Madaxweyne-ku-xigeenkii hore ayaa ka hadlay guddi isaga iyo xubno kale oo magac ku leh dalku ku jiraan oo dalladda ururrada bulshada rayidka Somaliland u sameeyeen xallinta khilaafaadka doorashooyinka, balse Komishanka Doorashooyinku ku gacan-saydhay.
“Annaga waxa naloogu yeedhay Ilaahay innaguma keenee haddii marka sharciga soo dhaafto ama sharciga ka hor marka wax laysku soo jiidayo ayaa nagala soo dhex xulay bulshada rayidka ah annagoo 27 xubnood ah, waa marka wax yimaaddaan ee loo baahdo, arrinkuna waxa uu khuseeyaa bulshada Somaliland oo mar walba heegan u ah inay amniga ka shaqayso in markaa la helo dad heegan ah oo markaaba arrinta gacanta ku qabta, laakiin marka uu arrinku marayo jaranjarrada sharciga nin sharciga garanayaa soo gali maayo, qolada doorashooyinkuna waxay ahayd inay wax na waydiiyaan, in wixii aynu sharci soo samaynaynay intaas oo dhan aannu dhexda kaga dhacno suurtogal ma aha. Midda kale, guddidani (khilaafka doorashooyinka) xaqba uma laha inay wax yeedhiso oo ay wax go’aamiyaan oo ay wax kale ku dul dhuftaan taasi marnaba dhici mayso, shaqadoodu waa isu soo jiid, SONSAF-na waligeedba way jirtay qolada doorashooyinkana way wada shaqayn jireen ee markii guddigan lagu dhawaaqay talo maxaa meesha ka uray ayaan anigu leeyahay?” ayuu hadalkiisa ku soo ururiyey Axmed Yuusuf Yaasiin.