Hargeysa (ANN)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Maxamed Aw Cali Cabdi, ayaa si adag uga hadlay xaaladda Boorama, iyadoo dad baddan oo bulshada Somaliland ah is weydiinayeen tan iyo rabshaduhu ka bilaabmeen iyo mudooyinkii u danbeeyayba.
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland ayaa war qoraal ah oo uu maanta la wadaagay Bulshada, wuxuu ku hanjabay in lala xisaabtami doono ciidanka sida khaldan u adeegsaday rasaasta iyo dadkii shacabka ahaa ee hubka qaatay iyo kuwii gacantooda ku qaatay sharciga.
“Waxa aan caddaynayaa in la isla xisaabtaami doono ciidankii sida khaldan u isticmaalay hubka iyo shacabka hubka qaatay ee sharciga gacantooda doonayay inay ku fuliyaan”ayuu yidhi.
“Waxaan tacsi u dirayaa guud ahaan dadweynaha Gobolka Awdal, gaar ahaan elada iyo qaraabada dadkii ku dhintay muddaharaadkii ilaa habeen hore ka socday magaalada Boorama, waxaan Allah uga baryayaa inuu u naxariisto, intii ku dhaawacantayna Allah ha u boogo dhayo, caafimaad degdegana ha siiyo. ayuu raaciyay.
Shacabka Gobolka Awdal waxa aan ugu baaqayaa innay is dejiyaan oo ay is xakameeyaan, maadaama la joojiyay munaasibaddii Buugga Xeer Ciise.
Sidoo kale, waxa uu ku celiyay in la isla xisaabtaami doono ciidankii sida khaldan u isticmaalay hubka iyo shacabkii hubka isticmaalayba, ayuu yidhi.
Waxaan shacabkaygow idinku adkaynayaa inaad nabadgelyada aad ilaalisaan oo magaaladeenna dhibka innooga ilaalisaan.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Aw Cali Cabdi.


