Burco(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo  oo maalmahanba safar shaqo ku jirey, ayaa si baaxad leh loogu soo dhaweeyey gudaha magaalo-madaxda gobolka Togdheer ee Burco iyo magaalooyinka dhinaca galbeed kaga teedsan.

 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa oo lagu soo dhoweeyay Burco, 19 Nov, 2018.

 

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo saaka hiirtii hore ka kallahay magaalada Berbera, ayaa soo dhaweyn aan kala hadh lahayn kala kulmay shacabka ku dhaqan tuulooyinka iyo magaalooyinka u dhexeeya Berbera iyo Burco, kuwaas oo caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland ku soo dhaweynayey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa oo Fardo lagu soo dhoweeyay Burco, 19 Nov, 2018

 

Shacab-weynaha ku dhaqan magaalada Burco oo ay hormood u yihiin maamulka heer gobol iyo heer degmo, xildhibaanno, madaxda dhaqanka qaybaheeda kala duwan, haween-weyne tiro badan, dhallinyarada gobolka, aqoonyahanka, siyaasiyiinta iyo haldoorka gobolka Togdheer, ayaa soo dhaweyn baaxad leh  ku qaabilay madaxweynaha iyo weftigiisa, kuwaas oo safaf dhaadheer kaga jirey duleedka galbeed Burco iyo waddooyinka  halbowlaha ah ee magaalada dhex mara, isla markaana astaanta calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan lulaya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa oo Fardo lagu soo dhoweeyay Burco, 19 Nov, 2018

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo weftigiisa oo Boqolaal qof oo dadweynaha Magaalada Burco kusoo dhoweeyeen Burco, 19 Nov, 2018.

 

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka reer Burco ee soo dhaweeyey socod lug ah ku dhex maray, waxana  uu kula hadlay  fagaaraha xarunta gobolka, isaga oo uga madadceliyey soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen, kuna bogaadiyey inay midnimadooda iyo wada-jirkooda ilaashaadaan.