Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi  oo hadal ka jeediyay munaasibada sanad guuradii 24aad ee kasoo wareegtay aasaaska Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa sheegay in Somaliland dal ahaan ku dhaadato Xoriyada Iyo madaxbanaanida saxaafada Iyo dhammaan Hay’addaha kale ee Qaranka.

Madaxweynaha oo Arrimahaa ka  hadlaya, ayaa yidhi, “Ma jiro dal Afrika ah oo ay sidan oo kale isugu wada yimaadaan madaxweynihii, madaxweyneyaashii hore, kuwii SNM hoggaaminayey ee madaxda u ahaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa iyo dhammaan qarankii oo dhammi, marka ay danta guud tahayna inaynu mid nahay bay ku tusaysaa oo aynu cadowga meel uga soo wada jeedno, dhammaanteenna aynu doonayno dhismaha iyo horumarka qaranka Somaliland” Madaxweyne Muuse Biixi

“Guddoomiyaha WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, labaduba waa halyeeyo qaran-dhis ah oo doonaya inay qaranka kor u qaadaan oo ay kaliya kala fikir duwan yihiin xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa, balse ay qaranka u siman yihiin wanaagiisana ay doonayaan, marka ay qaran tahayna loo midaysan yahay, laakiin marka ay kala duwanaanshaha fikradaha iyo in la is dhaliilaa waxa ay u jeedda tanaa toosan iyo tanaa toosan, dadkana waxan u sheegayaa inaanay jirin cadowtinimo iyo meel lagu kala maqan yahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

“Waxaanu ku faanaynaa ra’yi-yada kala duwan, waxaanu ku dhaadanaynaa xisbiyadayada qaranka, waxaanu ku dhaadanaynaa saxaafaddayada xorta ah ee na raad-guraysa ee xumaantayada toosinaysa, waxaanu ku dhaadanaynaa labadayada aqal ee Guurtida iyo wakiillada ee xukuumadda xakamaynaya ee ka qabanaya qaladka ay galaan, waxaanu ku faanaynaa garsoorkayaga madaxa bannaan ee madaxweynaha maxkamad saari kara ee qofkii qaldamaba dambigiisa ku qaadi karta, dhammaanba hay’adaha qarankana waxaan ka codsanayaa inaynu ku dedaalno caddaaladda iyo inaynu ku dedaallo inaynu hore u marino dawlad-wanaagga oo aynu dhammaanteen u wada guntanno dhibaatooyinka dalkeena haysta.” Madaxweyne Biixi

 

Madaxweyne Muuse Biiixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay inay Dimuqraadiyadda iyo wada-jirka ka jira gudaha Somaliland tahay mid heer lagu faano gaadhay, isla markaana bulshada reer Somaliland oo dhammi ka midaysan tahay horumarka qaranka Somaliland, waxaana uu yidhi, “Ma jiro dal Afrika ah oo ay sidan oo kale isugu wada yimaadaan madaxweynihii, madaxweyneyaashii hore, kuwii SNM hoggaaminayey ee madaxda u ahaa, xisbiyadii mucaaridka ahaa iyo dhammaan qarankii oo dhammi, marka ay danta guud tahayna inaynu mid nahay bay ku tusaysaa oo aynu cadowga meel uga soo wada jeedno, dhammaanteenna aynu doonayno dhismaha iyo horumarka qaranka Somaliland.”

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u carrabaabay hoggaamiyayaasha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, waxaana uu ku sifeeyey halyeeyo dhismaha qaranka heegan u ah, balse ay xagga fikirka ku kala duwan yihiin xisbiga talada haya ee KULMIYE, “Guddoomiyaha WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, labaduba waa halyeeyo qaran-dhis ah oo doonaya inay qaranka kor u qaadaan oo ay kaliya kala fikir duwan yihiin xisbiga KULMIYE iyo madaxdiisa, balse ay qaranka u siman yihiin wanaagiisana ay doonayaan, marka ay qaran tahayna loo midaysan yahay, laakiin marka ay kala duwanaanshaha fikradaha iyo in la is dhaliilaa waxa ay u jeedda tanaa toosan iyo tanaa toosan, dadkana waxan u sheegayaa inaanay jirin cadowtinimo iyo meel lagu kala maqan yahaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay inay Somaliland ku dhaadanayso isku duubnideeda, isla markaana ku faanayso ha’yadaha kala duwan ee qarankeedu shaqooyinka ay hayaan iyaga oo u madax-bannaan hawlahooda shaqo, isaga oo bulshadana ka codsaday inay isku duubni iyo wada-jir kaga baxaan caqabadaha kala duwan ee qaranka soo wajaha, waxaana uu yidhi, “Waxaanu ku faanaynaa ra’yi-yada kala duwan, waxaanu ku dhaadanaynaa xisbiyadayada qaranka, waxaanu ku dhaadanaynaa saxaafaddayada xorta ah ee na raad-guraysa ee xumaantayada toosinaysa, waxaanu ku dhaadanaynaa labadayada aqal ee Guurtida iyo wakiillada ee xukuumadda xakamaynaya ee ka qabanaya qaladka ay galaan, waxaanu ku faanaynaa garsoorkayaga madaxa bannaan ee madaxweynaha maxkamad saari kara ee qofkii qaldamaba dambigiisa ku qaadi karta, dhammaanba hay’adaha qarankana waxaan ka codsanayaa inaynu ku dedaalno caddaaladda iyo inaynu ku dedaallo inaynu hore u marino dawlad-wanaagga oo aynu dhammaanteen u wada guntanno dhibaatooyinka dalkeena haysta.”

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland