Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu saaka xafiiskiisa ku qaabilay safiirka dalka Masar u qaabilsan  dalalka Somaliland iyo Soomaaliya oo uu fadhigiisu yahay magaalada Nayroobi ee caasimadda Kenya, Amb. Waliid Ismaaciil oo uu wehelinaayo ku xigeenkiis Mr. Axmed Shadiid.

Madaxweynuhu waxa uu safiirka uga warramay xaaladda guud ee dalku halka ay marayso iyo horumarka ay ku tallaabsatay Jamhuuriyadda Somaliland ee dhinacyada arrimaha bulshada ee la xidhiidha waxbarashadda, caafimaadka,  ganacsiga iyo nidaamka dimuquraaddiga ah ee doorashooyinka dalka ka qabsoomay oo dhammaan laga gaadhay guul iyo sumcad ballaadhan oo indhaha beesha caalamka bartay Somaliland waxay tahay, qiimaha ay ugu fadhido guud ahaan Afrika, isla markaana ay Somaliland tusaale ugu noqotay dalal badan oo qaaradda Afrika ku yaalla.

 

 

Kulankan, ayaa sidoo kale lagaga wada hadlay iskaashiga xidhiidh dhaqaale oo dhex mara labada dal, tabobarro dhinaca shaqaalaha ah oo ay Masar siin doonto Somaliland,  iyo sidii ay Masar deeqo waxbarasho u siin lahayd dhallinyarada Somaliland, iyada oo sidoo kale la is hogo-tusaaleeyey qaabka ay siyaasadda mandaqaddu tahay iyo arrimo kale oo door ah oo dhammaantood ku tacalluqa xoojinta xidhiidhka wanaagsan ee labada dhinac u dhexeeya.

 

 

Markii kulanku soo dhamaadayna waxa ka war bixiyey wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, Dr Sacad Cali Shire oo sheegay in kulankaasi si wacan la isugu afgartay, kuna soo dhamaaday jewi wanaagsan iyo is af-garad, waxaana uu ka mahad-celiyey socdaallo uu hore ugu tegay dalka Masar oo si wanaagsan loogu soo dhaweeyey, isaga oo hoosta ka xarriiqay in booqashada safiirka iyo ku-xigeenkiisu marag ka tahay qoto-dheeraanta xidhiidhka labada dal ka dhexeeya.

Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department

Hargeisa – Republic of Somaliland