Araweelo News Network

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abdi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magcaabay masuul noqonaya ku-xigeenka Hanti-dhawrka guud ee qaranka. Sidaana waxa lagu shaaciyay war-saxaafadeed maanta kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Qoraal saxaafaeedka kasoo baxay Madaxtooyadda ee lagu magcaabay masuulkaa ayaa u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-157/072018, ku magacaabay ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee qaranka.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda uu ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud u leeyahay dhisimaha Qaranka

Markaan Arkay: In baahi loo qabo buuxinta jagada Ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka

Markaan Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markaan Sameeyey: In uu hanan karo xilkan;

Waxaan Go’aamiyey;

In Mudane, Sacad Cabdi Cabdilaahi Riiraash, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado ku-xigeenka Hanti-dhawraha guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland