Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa tababar usoo xidhay dufcaddii 29-aad ee katirsan ciidamada Booliska oo ka qalin-jabisay dugsiga tababarka ee Mandheera Iyo ciidamo muddo baranayey dambi-baadhista iyo xeerarka kala duwan ee dalka oo ay muddo waxbarasho uga socotay xarunta taliska guud ee Booliska.

Munaasibad ballaadhan oo dufcaddan katirsan ciidamada Booliska loogu qabtay xarunta taliska guud ee caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa waxa ka qayb-galay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, wasiirrada wasaaradaha arrimaha gudaha iyo gaashaandhigga, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Ciise Yuusuf Axmed, taliyaha ciidamada Booliska, sarreeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan, saraakiil sarsare oo katirsan ciidamada kala duwan ee qaranka, taliyaha Dugsiga Lixle Mandheera Gaashaanle sare Axmed Aw Cali , Hoggaanka waaxda tababarka ciidanka Booliska Gaashaanle sare Maxamuud Ducaale iyo marti-sharaf kale, waxaana halkaas laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo ciidamada Booliska, laguna sharraxayo kaalinta lama illaawaanka ah ee ay kaga jiraan ilaalinta amniga guud ee gudaha dalka.

Ugu horrayn Taliyaha ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo munaasibadda ciidamadu ku qalin-jabinayeen hadal ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay in ciidamada hadda qalin-jabiyey ay awood buuxda u leeyihiin gudashada waajibaadka qaran ee horyaalla, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Waxa aan kalsooni buuxda ku qabaa in ciidamada maanta tababarka loo xidhayaa inay si hufan u gudan doonaan waajibaadkooda loo igmaday ee ilaalinta amniga iyo difaaca qaranka, horumarka ugu weyn ee ciidanka Boolisku ku tallaabsaday waxa kamid in saraakiisha ciidanka Booliska ee ah taliyayaasha saldhigyada in dhammaantood la isugu keenay dugsiga tababarka ee Mandheera oo ay tababar ku qaateen, taas oo ay ka faa’iideen is-barasho.”

Wasiirka arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna munaasibadda ka hadlay, ayaa sheegay inay ciidamada Boolisku udub-dhexaad u yihiin amniga dalka, isla-markaana ay hormood u yihiin fulinta iyo hirgelinta shuruucda, waxaana uu yidhi, “Boolisku waa tiirka ugu adag ee ciidanka qaranka, inkasta oo ciidamada qaranka ee ilaaliya difaaca qaran-nimada, haddana ciidanka Booliska waxa usii dheer inuu yahay ka gacanta ku haya ilaalinta nabadgeylada gudaha iyo hirgelinta nidaamka sharci ee dalka iyo dadka lagu dhaqaayo, in dadka sharciga la baro, lagu qaado, dadka sharci-darrada laga qabto oo la fuliyo sharciga iyo nidaamku waa ciidanka Booliska shaqadiisa, ciidamada cusub ee tababarka soo qaatayna waxa aanu rajaynaynaa inuu noqdo dhiig cusub oo kusoo biiray ciidamadii hore ee booliska ahaa oo si fiican u dardargeliya nidaamka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya munaasibadda ka jeediyey, ayaa ugu horrayn ku dheeraaday shaqada ciidanka Boolisku bulshada u qaabilsan yihiin, waxaana uu ugu horrayn ka hadlay awoodaha gaarka ah ee aanay cid kale la wadaagin ciidankaas, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Qofka Booliska ah maalinta askarinimada la siiyo ee dirayska loo xidho ee sharciyan loo oggolaado inuu Booliska ka mid yahay waxa fuusha xilkii qaran-nimo shan qaybood oo waaweyn, Marka koowaad shaadhka raqabaddiisa waxa ugu dhejisan calaamadda Somaliland, taas oo uu ninka ciidan ah oo dhammi la wadaago, waxaase laguu dhiibay qarankii oo dhan baad halkaas ku siddaa, awoodaha laguu dhiibayna waxa kamid ah waxa aad leedahay oo kuu gaar ah oo aan cid kale lahayn inaad qof walba ku tidhaahdo istaag oo uu ku maqlo oo uu istaago, markaa awood baad leedahay aanu lahayn ka taajirka ahi oo aanu Digtoorku lahayn oo aanu Professor ku lahayn, xilka intaas le’eg ee qaran iyo xuquuqdaas, ayaa lagugu aaminay, adna waa inaad garataa.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu madaxweynuhu intaas ku daray, “Waxa lagugu aaminay inaad dalka ka ilaaliso musuqmaasuqa oo dhinac walba gala, haddaan kasoo qaado musuqa dhaqaalaha ee xafiisyada dawladda ka dhaca, calaamadda aad xidhan tahay inaad noqoto qofka qudha ee awood u leh ee sharcigu siiyey ee ka dagaallama aad noqoto, waxa aad aragtay lacag qaldan oo dalka si qalad ah loosoo gelinayo, waxad tahay qofka kaliya ee awood u leh ee halkeeda ku qabanaya, markaa waxad kamid noqotay oo aad metelaysaa wasaaraddii maaliyadda,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu tilmaamay in ciidamada Boolisku udub-dhexaad u yihiin difaaca xuduudaha kala duwan ee qaranka, maadaama oo ay ku sugan yihiin goob kasta oo dalka laga soo galo, waxaana uu yidhi, “Intaa waxa kuu dheer difaacii qaranka, xuduud walba waad joogtaan inta meelood ee dalka laga soo galo ee garoon leh ee xad leh ee bad lehna qofka jooga ee qaranka ka ilaaliyaa waa Booliska, dalkaaga sidaad u ilaaliso, ayuu amnigiisu ku xidhnaanayaa, wasaaraddii caafimaadkaad meteshaa, waayo wax Allah iyo waxa mukhaadaraad ah ee bani’aadamka wax yeellaya qofka loo xilsaaray inuu ummadda ka ilaaliyaa waa Booliska.”

Madaxweynuhu waxa si gaar ah uga hadlay waajibaadka qaranka ka saaran ciidanka Booliska iyo ay bulshada waajibka ugu tahay inay Booliska u hibeeyaan haybadda ay xaqa u leeyihiin, isla markaana Boolis ahaan looga baahan yahay inay noqdaan astaan ay kusoo hirtaan cid kasta oo dulmi dareentaa, “Qaranka waxa saaran inuu Booliska ixtiraamo oo uu ka haybadaysto oo uu siiyo waxa adduunyo ka weyn oo ah karaamada uu siiyo, Boolisku waa inuu noqdaa meel lagu soo hirto oo ka jilicsani kusoo cararo, ka daalimka ahna lagu qabto, waxaana aan rajaynayaa in la toosiyo cabashooyin badan oo ka jira rugaha booliska oo ay kamid tahay sida askari booliska Istayshinka joogaa ula dhaqmayo qofka u yimaadda, wax walbana dhaqankaa ka horreeya intaan sharciga la fulin. Haddii uu Boolisku noqdo mid awoodda la siiyey ku amar ku-taagleeya oo qofka miskiinka ee u yimaadda iska dhega-tira ama ugu hanjaba ama si xun ula dhaqma, inkaartu halkaasay ka bilaabmaysaa, qofka maxbuuska ah ee aad haysaana xaq buu kugu leeyahay,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa shaaca ka qaaday inaanu qaranka Somaliland marnaba diyaar u ahayn inuu cid dagaal iyo weerar ku qaado, isla markaana ay Somaliland diyaar u tahay inay deriskeeda wanaag iyo nabadgelyo kula noolaato, gaar ahaan dalka Soomaaliya, waqtiganina aanu ahayn mid dagaal la curiyo, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Nasiib-darro dagaal aynaan u baahnayn baa ka dhex dhacay Somaliland iyo Soomaaliya, maanta Somaliland iyo Soomaaliya dagaal umay baahnayne waxa aynu u baahnayn inaynu iska kaashanno si aynu dhibaatooyinka abaaraha, biyo la’aanta, iskuul la’aanta, caafimaad-darrada iyo shaqo la’aanta uga baxno, Somaliland-na hadafkeedu taas ayuu ahaa inay jaararkeeda nabad u fidiso oo wax wada-qabsi u fidiso oo aynu jaarnimo wanaagsan ahaanno dhinac walba, Soomaaliya-na taas uun baanu ula soconnay oo aanu ka rabnaa maanta, shalay iyo mar walba.”

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay in aanay Somaliland wadin waxyeello iyo colaad ka dhan ah dhiggeeda Soomaaliya, waxaana uu baaq u diray shakhsiyaadka colaadda qabaliga ah kasoo afuufaya Garoowe, isaga oo ka codsaday inay is-kaashiga, derisnimada iyo walaaltinimada ah muhiimad gaar ah siiyaan, “Somaliland weerar uma socoto, waxyeello jaarkeeda ahna uma socoto, kuwa Soomaaliya-na wax aanu u tarno mooyaane waxyeello iyo dagaal uma soconno, dadka Soomaaliya katirsan, gaar ahaan Puntland ee qayl-dhaanta dheer ee qabaliga ah ee isirka ah wada, waxa aan leeyahay waxa ka wanaagsan innaga oo is-kaashanna oo laba qaran iyo laba dawladood oo walaalo ah oo isku Af ah oo isku Diin ah oo isku mid ah oo wax is-tara noqonno’e dabka ka baxaya Muqdisho iyo Garoowe inaad kusoo gubto Somaliland walaalayaal talada nooguma jirto, hadduu gurigaagu gubanayo waanu kula baqtiinaynaa, laakiin adigu dabka kaayaga ha usoo gudbinin,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhammaad