Araweelo News Network

Muse Bihi Abdi is President-Elect of the Republic of Somaliland

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha dhowaan xilka la wareegay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray Digreeto uu Hay’adda Duulsta oo hore u ahayd Wasaarad ugu bedelay Hay’adda Duulista Iyo Madaaradda Dalka, wuxuuna Madaxweynuhu Hay’addaa u magcabay masuul cusub.

 

Wareegto Madaxweyne Muuse Biixi soo saaray maanta, ayaa u qornayd sidan:-


Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad; Xarafka (Kh);

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;
Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: Wada-tashi;
Waxaan Go’aansaday;

In Duuliye Sare, Cabdi Maxamed Rodol, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

Allaa Mahad Leh
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland