madaxweyne silanyo iyo muuse biixi1Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa kulan Albaabada loo xidhay oo saacado qaatay, caawa kula yeeshay qasriga Madaxtooyadda Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi. Sidaana waxa shebekadda wararka ee Araweelo News Network usoo tebiyay ila wareedyo u dhuun daloola xayndaabka Madaxtooyadda Somaliland iyo kulankaa dhexmaray Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbiga.
Kulankaa oo aan la ogayn ujeedadiisa iyo waxyabaaha lagaga hadlay ma jiro wax war ah oo kasoo baxay labada dhinac, balse sida ay sheegeen tibaaxaha la xidhiidha ee laga helay ila wareedyada ka ag dhow qasriga Madaxtooyadda, waxay Madaxweynaha iyo Guddoomiyuhu ka wada hadleen arrimo baddan oo la xidhiidha xaalada dalka iyo arrimaha siyaasadeed ee taagan.

Sidoo kale waxay ila wareedyadu tibaaxeen inkasta oo uu kulanku ahaa mid Albaabada loo xidhay oo qaatay saacado in lagu soo qaaday loolanka u dhexeeyay dhinacyada wasiirada doonaya inay musharaxnimada Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE, kula loolamaan Muuse Biixi marka la gaadho dhamaadka mudada Madaxweyne Siilaanyo, taas oo maalmihii u danbeeyay saaxada siyaasada laga dareemayay heerka uu marayo loolankaasi, kaas oo samada isku shareeray kadib markii Guddi la baxday Hoodaale oo deegaanka Woqooyiga iyo galbeedka Hargeysa ah ka dhawaajiyeen inay kala reebeen Musharaxinta loolanku ka dhex taagnaa, isla markaana iyagu u garteen inuu Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye marka ay dhamaato mudada xilka Madaxweyne Siilaanyo uu noqdo Guddoomiya Muuse Biixi, balse wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Maxamed Biixi Yoonis, ayaa arrintaa gaashaanka ku dhuftay.
Hase yeeshee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qudbad uu shacabka u mariyay warbaahinta sanadka cusub 2015, ku sheegay in aan loo baahnayn loolan iyo fad-qalalo siyaasadeed oo kala qaybisa Xisbiga waqtigan, isla markaana aanay jirin sabab laysugu qabsado Kursiga maadaama uu ku fadhiyo, isla markaana yahay musharax u taagaan doorashada aan weli la cayimin, wuxuuna xusay in wixii isaga ka danbeeya la sugo oo aan xiligan loolan loo sii gelin wax aan la gaadhin, sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay Labada Wasiir iyo Guddoomiyaha inay joojiyaan loolanka waqtigan, isla markaana la ilaaliyo midnimada Xisbiga.
Si kastaba ha ahaatee Kulanka Madaxweyne Siilaanyo caawa qasriga Madaxtooyadda kula yeeshay Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi, ayaa la rumaysan yahay in aanay ka madhnayn arrimaha lagaga hadlay mustaqbalka Xisbiga, Loolanka xubnaha Wasiiradda ah, xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka waqtigoodii gabaabsiga yahay ee aan waxba loo diyaarin.

 

Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com