cilmikabaalHargeysa(ANN)Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Cilmi Rooble Fure oo lagu naanaysi jiray (Cilmi Kabaal), ayaa ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.
Geerida Taliyihii hore, waxa ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxmed Maxamuud (Siilanyo) iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, waxayna si kooban dhanbaalo tacsi ah oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyada iyo Xarunta Xisbiga Kulmiye ugu tilmaameen taariikhdii iyo doorkii uu Marxuum Cilmi Kabaal ku lahaa asaaskii iyo dib u dhiskii qaranka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan Ciidanka Booliska oo Marxuumku laba jeer xilal kasoo qabtay, isagoo noqday Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Somaliland xukuumaddii Marxuum Cigaal iyo xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Dhanbaalka Qasriga Madaxtooyada ee xafiiska Madaxweynaha, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Saddexda Ciidan qaran gaar ahaan ciidanka Booliska, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid ALLE ha u naxariistee taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Marxuum Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta 25/03/2015 ku geeriyooday Dalka Talyaaniga.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu tacsi taa la mida u dirayaa, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka, iyo Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay marxuumku.

Marxuumka oo markii u danbaysay ahaa Suldaan ka mida sulaadiinta Somaliland waxa uu madaxweynuhu ku tilmaamay rukun ka mida rukumada qarankani ku istaagay ee uu ku meel maray wakhti baddana u huray dalkiisa iyo dadkiisaba, kana soo shaqeeyey talaabo kasta oo qarankani ku talaabsaday kuna taagan yahay.

waxaanu madaxweynuhu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, ciidamada kala duwan ee qaranka somaliland, Ugaasyada, Boqorada, sulaadiinta, cuqaasha, waayeelka, waxgaradka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi dhanbaalka tacsida ee Madaxweynaha Somaliland.
Sidoo kale Dhanbaal tacsi ah oo kasoo baxay Xafiiska Xisbiga Kulmiye, ayaa u qornaa sidan:- “Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, wuxuu tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Ciidammada Booliska, bahda madaxdhaqameedka iyo shacabka Somaliland geerida Marxuum Suldaan/General Cilmi Rooble Furre (Cilmi kabaal) oo maanta (25/03/2015) ku geeriyooday dalka Talyaaniga.

Marxuum Cilmi Kabaal waxa uu door wayn ka soo qaatay dhismihii ciidammada Qaranka iyo nabadayntii waddanka, isagoo laba jeer Taliye ka soo noqday Ciidanka Booliska Somaliland.

Guddoomiyuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu Marxuumka naxariista janno ka waraabiyo, innagana dhammaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo Aamiin.” ayaa lagu yidhi dhanbaalka xafiiska guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews