madaxweyne Silanyoxafiiska
Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi, ayaa ka hadlay shil Baabuur oo sababay geerida Marxuum Weli Axmed Daa’uud oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Marxuum Maxamed Daauud Yuusuf oo ahaa (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv) iyo bahda saxaafada Somaliland iyo Marxuum Muuse Cali Haybe oo ahaa Askari ka mid ahaa Ilaalada Wasiirka Maaliyadda.
Sadexda Marxuum ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo galabta ka dhacay duleedka Aw Barkadhle ee bariga Magaalada Hargeysa. Kadib markii ay isku dhaceen gaadhi Booyad ah iyo gaadhiga ay saarnaayeen Sadexda Marxuum oo la socday kormeer wasiirka Maaliyadda Somaliland kaga soo laabtay Berbera.
Dhanbaal Tacsi ah oo Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlayo shilkaa waxa lagu yidhi sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka geeriyoodeen

1. Marxuum Weli Daauud Cigaal (masuul sare oo ka tursanaa Wasaaradda Maaliyada qaybta Qorshaynta)

2. Marxuum Maxamed Daauud Yuusuf (Weriye ka tirsanaa Horn cable Tv) iyo

3. Marxuum Muuse Cali Haybe (Askarigii ilaalada u ahaa wasiirka Maaliyada) oo shil baabuur oo naxdin leh ugu geeriyooday inta u dhaxaysa Berbera iyo Hargeysa ka dib markii ay dulmartay gaadhi booyad ahi, gaadhigii ay saarnayeen saddexdaa marxuum shilkaasina ay ku geeriyoodeen.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa Marxuumiintaasi inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Sidoo kale Dhanbaalka Guddoomiyaha KULMIYE ayaa u dhignaa sidan:-
“Anigoo ku hadlaya xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoysaska, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland, geerida naxdinta leh ee ku timi Marxuumiinta kala ah; Wali Daa’uud Cigaal oo ahaa sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Maxamed Daa’uud Yuusuf oo ahaa weriye u shaqaynayey telefishanka HCTV iyo Marxuum Muuse Cali Haybe oo askari boolis ilaalo u ahaa Wasiirka Maaliyadda, kuwaas oo ku naf-waafayey shil baabuur agagaarka Tuulada Aw Barkhadle ee bariga Hargeysa maanta (28/06/2015).

Ilaahay waxaan uga baryayaa saddexda Marxuum inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo, qoysaska, ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabkana uu samir iyo iimaan innaga siiyo. Aamiin…. Aamiin…. Aamiin.” Ayaa lagu dhanbaalkaa oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha KULMIYE.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews