fuaadadancadeHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland ayaa ka hadlay geerida La taliyihiisii arrimaha Bariga Somaliland Marxuum Fu’aad Aadan Cadde oo ahaa siyaasi iyo Oday dhaqameed kaalin weyn kasoo qaatay dib u dhiskii qaranka Somaliland iyo nabadayntii tan iyo markii Somaliland lasoo noqotay Madaxbanaanideedii shirweynihii Burco 18 May 1991, ee lagaga dhawaaqay inay Somaliland qaranimadeedii dib u yab-yabanay kadib halgan dheer oo dhiig baddani ku daatay.
Marxuum Fu’aad oo ahaa siyaasiyiinta Somaliland ee kasoo jeeda deegaanka Sool, isla markaana qoys caan ah ka dhashay, Marxuumka waxa dhowaan dalka Turkiga loogu qaaday dhaawac kasoo gaadhay Misigta. Kadib markii gaadhi ku jiidhay Madaxtooyada dhexdeeda, halkaas oo uu ku geeriyooday.
Marxuumka ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumaddihii kala duwanaa ee soo maray Somaliland, wuxuuna ahaa shaqsi ixtiraam iyo qadarin ku kasbaday mudadii uu ka dhex muuqday saaxada Siyaasada Somaliland iyo fagaarayaasha masraxa siyaasada.
Dhanbaal kooban oo Madaxweyne Siilanyo kaga hadlay geerida Marxuum Fu’aad Aadan Cadde, ayaa sidoo kale lagu qiray tilaamaha aynu sheegnay ee uu Marxuumku lahaa, wuxuuna dhanbaalka Madaxweyne Siilaanyo u qornaa sidan:-
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Siyaasiyiinta Dalka, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Salaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Marxuum Fuaad Aadan Cade oo ku geeriyooday Dalka Turkiga saaka 15/07/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay siyaasi ruug cadaadi ah oo ka baxay shacbiga iyo dalka Somalilandba, laguna xasuusan doono go’aamadii geesinimada lahaa ee uu ka geystay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka isaga oo dedaal weyn u galay sidii shacbiga Somaliland ee walaalaha ahi ay ugu wada noolaadan, deris wanaag iyo horumar, waxaanu ahaa muwaadin dhaba oo aan ka gaban mawqifkiisa wadanimo.

Marxuumku waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay qaranka Somaliland isaga oo la soo sheegeeyey guud ahaan madaxdii kala duwanayd ee soo martay hogaanka dalka oo uu ilaa wakhtigan ahaa la-taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bariga Somaliland.

waxaanu madaxweynuhu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Alleh ha u naxaristee Marxuumku.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Aqoonyahanka, waxgaradka, Ugaasyada, Boqorada, Isimada, Sulaadiinta, Cuqaasha, iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews