Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa la filayaa inuu maalinta Axada ee Beri safar kedis ah ugu baxo dalka Ethiopia. Sidaana waxa shebekada Wararka ee Araweelo News Network u xaqiijiyay warar ku dhow dhow qasriga Madaxtooyada.

Inkasta oo aanay war rasmi ah kasoo saarin Madaxtooyadu safarka Madaxweynaha iyo ujeedadiisa, balse sida ay sheegayaan tibaaxaha laga helay ila wareedyada ka ag dhow Madaxweyne Siilaanyo ayaa booqashada safarkiisa Ethiopia qaadanayaa laba maalmood, iyadoo la filyo sida ay sheegayaan tibaaxaha laga helay inuu kulamo la yeesho Madaxda sare ee dalka Ethiopia oo ay ka wada hadlaan arrimo la xidhiidha xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Ethiopia.

Booqashada Madaxweyne Siilaanyo ee Ethiopia, ayaa kusoo beegantay kadib dhawr todobaad oo safaarada Ethiopia ku leedahay Somaliland hakisay Fiisayaasha dal ku galka ee ay bixin jirtay Safaarada Ethiopia, waxaana jira warar sheegaya in ujeedada safarka Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo la xidhiidho arrimahaa iyo kuwo kale , wallow ay jiraan warar sheegaya in Safaarada Ethiopia ku leedahay Hargeysa dib u bilawday Fiisayaasha dal ku galka ee ay bixin jirtay labadii maalmood ee u danbeeyay, balse ma jiraan warar xaqiijinaya in dib loo bilaabay Fiisayaasha Ethiopia ee laga qaadan jiray Saafaarada ay ku leedahay Hargeysa.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.