1boqashadacusbitalkaHargeysa(ANN)Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, oo ay wehelinayaa xubno golaha wasiirada ka mid ah ayaa maanta kormeer ku soo maray cusbitaalka guud ee Hargeysa.
Qoraal kooban oo booqashada Madaxweynaha ka dib kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha, isla markaana uu ku saxeexanyahay Naasir Yuusuf Daahir (Nasir Naska) oo ah Xoghayaha Gaarka ah ee Xafiiska Saxaafadda Madaxtooyada JSL, ayaa u qornaa sidan:- “Madaxweynuhu mid mid u soo maray waadhadhka jiifka ee bukaanku yaalo, isaga oo madaxweynuhu ugu horeeyey qabta caruurta oo ay warbixin ka siiyeen agaasimaha guud ee Cusbitaalka, wasiirka Caafimaadka iyo xubno ka mida hawladeena dhakhtarku.

Sidoo kale waxa madaxweynaha la tusay muuqaalka guud ee qorshaha dhisme loogu talogalay haddii Eebbe qadaro in cusbitaalka loo dhiso, kaasoo nashqadiisa iyo qaabka uu muuqaal ahaan u ekaanayo ay madaxweynaha sharaxaad ka siiyeen Wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglatoosiye).

1boqashadacusbitalka 2cusbitaalka

Madaxweynaha oo ku guda jira kormeerkiisa shaqo ee ugu kuurgelayay xaalada caafimaad ee ay ku sugan yihiin shacbiga Bukaan-jiifa dhakharka weyn xanuunada kala duwan, ayaa dhagax dhigay 60 qol oo loogu talogalay in la seexiyo, bukaan socodka oo ay wakhtigan ku qaadato, inay maalmo sugaan in loo baneeyo qolalka gaarka ah ee la dhiggo.

3cusbitaalka 5cusbitaalka
Waxa kale oo Madaxweynuhu xadhiga ka jaray mishiino casri ah oo dhawaan la keenay cusbitaalka, kuwaasi oo ah (X-RAY-CT scan), Mishiinka Kelyaha sifeeya oo ka kooban 7 mishiin wakhtigaasina ay shaqadu ka socotay oo ay jiifeen dad dhawra oo loo sifaynayey Kelyaha, oo sida ay sheegeen dadkaasi todobaadkiiba mar ay soo maraan mishiinadan laguna sifeeyo, halka hawladeenada ka shaqeeya qaybta Kelyuhu ay yihiin muwaadiniin dalka gudiisa loogu tababaray iyo kuwo dibeda wax ku soo bartayba.

Ugu danbayna waxa uu Madaxweynuhu dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo loo dhisayo gargaarka degdega ah, taas oo ka casrisanaan doona xaruntii hore loogu shaqayn jiray, ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday xafiiskiisa isaga oo madaxweynuhu lug ku tegay cusbitalka.” Ayaa lagu yidhi qoraalka
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews