Araweelo News Network

MadaxweynesilanyolastHargeysa (ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa dalalka Midawga Afrika ku martiqaaday inay soo diraan guddi xaqiiqo-raadis ah oo ogaada rabbitaanka shacbiga reer Somaliland iyo sharciyadda uu ku dhisan yahay qaranka Somaliland.
Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyey kulan casho sharaf ah oo uu qasriga Madaxtooyada kula yeeshay Guddida Ictiraaf-raadiska Jamhuuriyadda Somaliland xalay, waxa uu cambaareeyey qodob ku jiray war-murtiyeed laga soo saaray shirkii dalalka IGAD ugu qabsoomay magaalada Muqdisho, kaasoo lagu caddeeyey in midnimada Soomaaliya tahay lama taabtaan.
“Sida aynu la wada soconno, waxa Caasimadda dalka Soomaaliya lagu qabtay maanta (shalay) shir sannadeedkii Urur-goboleedka ay ku buhoobeen dalalka Bariga Afrika ee IGAD. Ugu horreyn, waanu soo dhawaynaynaa in shirkaasi ka dhaco magaalada Muqdisho, waxaannu u aragnaa tallaabo geesinimo leh oo hore loo qaaday. Dawladda Somaliland waxay soo dhawaynaysa dedaalka ay ugu jirto beesha caalamka iyo dalalka Midowga Afrika sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa dalka Soomaaliya, isla markaana loogu dhisi lahaa dawlad adag oo hanata xilka iyo masuuliyadda saaran.”
“Waxaannu diyaar u nahay in aanu ka qaybqaadanno, isla markaana gacan weyn ka geysanno dedaaladda nabadda iyo dib-u-heshiisiinta dadka aanu walaalaha nahay ee Soomaaliyeed. Waxaannu nahay dal iyo dad bisil oo aaminsan in dhibaatada gaadha ay annagana saamayn nagu leedahay. Sidaa darteed, waxaanu jecel-nahay nabaddooda iyo horumarkooda,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Waxa kaloo uu intaas ku daray; “Waxaannu cambaaraynayna war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Madaxda IGAD ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan qodobka ka hadlaya midnimada Soomaaliya. Waxaannu u aragnaa mid la majara habaabiyay, oo aan ka turjumayn xaqiiqada dhabta ah ee xaaladda Soomaaliya iyo Somaliland ka jirta. Waxaannu dunida u caddaynaynaa in Somaliland tahay dal madaxbannaan oo aan ka mid ahayn maamul-goboleedyada ku midoobay Nidaamka Federaalka Dawladda Soomaaliya, ee looga taliyo magaalada Muqdisho.
Waxaanu u caddaynaynaa Beesha Caalamka in aanay metelin Jamhuuriyadda Somaliland shaqsiyaad Muqdisho laga cugtay. Waxaannu u aragnaa maag iyo meel-ka-dhac qaawan, in magaca qarankayaga loo cimaamado cid aan shacbiweynaha Somaliland dooran, ama aanay ceelalyo u diran. Ummadda Somaliland waxaa metala oo kaliya, kana mas’uul ah, madax ku timi doorasho xor iyo xalaal ah (Xukuumad iyo Baarlamaan) oo la soo doortay,” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
“Qarannimada iyo Madax-bannaanida Somaliland waxay dan u tahay nabad-galyada, deganaanshaha, geedi-socodka dimuqraadiyada, ganacsiga iyo horumarka Bariga Afrika iyo ka caalamka intaba. Madaxda Urur-goboleedka IGAD iyo dalalka Midowga Afrika intooda kaleba, waxaan ka codsanayaa in ay qaddiyadda Somaliland miiska keenaan, isla markaana ajandayaasha shirarka dambe ku daraan. Waxaan ku martiqaadayaa dalalka Midowga Afrika in ay u soo diraan Somaliland Guddi xaqiiqo-raadis ah oo ka gun gaadha raabbitaanka Shacbiga Somaliland iyo sharciyadda ay ku dhisantahay dal ahaan, siday u waafaqsantahay Axdi-qarameedka Xuduudaha Qaaradda Afrika,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Waxa kaloo uu u caddeeyey beesha caalamka, dalalka Midawga Afrika, Midawga Yurub, IGAD, Maraykanka, Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo dhammaan dalalka xubnaha ka ah Qarammada Midoobay in dalka Somaliland yahay waddan leh taariikh dheer ilaa sannadkii 1887-kii, xuduudihiisuna yihiin qaar caalami ah, kana mid ahaa Maxmiyaddii Ingiriiska oo uu xornimada ka qaatay 26 June 1960.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sidoo kale sheegay in aanay Somaliland rubuc qarnigii u dambeeyey ka qaybqaadan shirarkii kala duwanaa ee dib-u-heshiisiinta Soomaaliya marnaba, isla markaana aannay waqtigan qayb ka ahayn shirarka Soomaaliya Dawladda loogu dhisayo.
“Somaliland waxay xornimadeedii la soo noqotay 18-kii May 1991-kii, ka dib markii ay Salaadiinta, Garaadada iyo wax-garadka Beelaha Waqooyi shir isugu yimaadeen Magaalada Burco, go’aan midaysanna ay ku gaadheen in madax bannaanidoodii ay dib ula soo noqdaan.
Maaha markii u horreysay ee dadka Somaliland dareenkooda iyo rabitaankooda muujiyaan, Shacbiga Somaliland waxay bishii May, 2001-dii kalsooni cod buux 97.7% ku taageereen aftidii loo qaaday dastuurka cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Qaddiyadda Gooni-isu-taaga dalka.
Somaliland waa dal buuxiyey dhammaan shuruudihii looga baahnaa wadan madax-bannaan, oo leh Dawlad (Xukuumad iyo Baarlamaan sifo dimuqraadiya loo doortay), Xuduud Sugan oo Caalamiy ah, Cumlad iyo Calan u gaar ah.
Madax-bannaanida Jamhuuriyadda Somaliland waa mid lama taabtaan ah, mana jiro haba yaraatee hammi iyo himilo salka ku haysa in dib loola midoobo Dalkii aanu ka go’nay ee Soomaaliya.
Arrimahani waxay daliil cad u yihiin in jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland aanay ahayn wax ku dhisan riyo iyo dhalanteed, balse ay tahay mid ka turjumaysa xaqiiqada dhabta ah iyo go’aanka shacbigani qaatay. Sidaa darteed, waxaa mudan in la ixtiraamo xaqa aayo ka tashiga iyo rabitaanka Shacbiga Somaliland, waxaanan bulshada caalamka ugu baaqayaa inay garwaaqsadaan xaqa sharci iyo ka bani’aadannimo ee Shacbiga Somaliland u leeyihiin inay noqdaan qaran madax-bannaan,” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.