madaxweynesilanyo

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo iyo weftigii balaadhnaa ee uu hogaaminaayey ayaa ka soo degay Maanta garoonka Diyaaraha ee Egal International Airport, ka dib muddo saddex maalmood ah oo uu dalka jabuuti ku joogay martiqaad uu madaxweyne geelle u fidiyey labada Dal ee Somaliland iyo Somaliya Madaxweyneyaashooda, kuna kala saxeexdeen heshiis 6 qodob ah.

Safarkaasi oo ku soo dhamaaday jewi wanaagsan ka dib waxa uu madaxweyne axmed maxamed Silaanyo ku soo guryo noqday Somaliland ama Dalkiisa hooyo gaar ahaan caasimadiisa Hargeysa.

Waxaana Madaxweynaha ku soo dhaweeyey Garoonka Masuuliyiin uu hogaaminaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici iyo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Masuuliyiin xukuumada ka tirsan, Cuqaal, Sulaadiin, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoon yahano, haween iyo Bulshada qaybeheeda kala duwan.

Intaasi ka dib waxa uu madaxweynuhu Salaan sharaf ka qaatay tudub ka tursan ciidanka qarabka somaliland isaga oo Madaxweynuhu saf-saf u soo maray shacbigii qiimaha badnaa ee soo dhaweeyey kadibna waxa uu soo gaadhay qolka VIP-da ee garoonka diyaaraha, halkaasi oo uu saxaafada kula hadlay madaxweynuhu ugana waramay nuxurka kulankii ay saddexda madaxweyne yeesheen, iyada oo uu sidoo kale halkaasi ka hadlay wasiirka arrimaha Dibeda Somaliland oo isna ku nuux nuuxsaday ahmiyada qarankan ay u leedahay in aynu ka qaybgalno shirar noocan oo kale ah si qaranku u helo xaqiisa ugana mid noqdo beesha caalamka.

Halkan Ka Daawo
Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com