Araweelo News Network
MadaxweynesilanyolastHargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa guddi heer qaran ah u saaray wadahadalka u furmay dawladda Somaliland iyo kooxda Khaatumo ee uu hoggaamiyo siyaasiga Cali Khaliif Galaydh.
Sidaasna waxa sheegay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigelinta Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu warbaahinta u qabtay shalay, waxaannu ku hambalyeeyey wadahadalkan siyaasiga Cali Khaliif iyo kooxdiisa go’aanka ay qaateen, “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Siilaayo waxa uu guddi qaran oo ka kooban wasiirro iyo madaxdhaqameed uu u saaray wadahadallada Khaatumo, guddigaasina waa dad ay arrintani ka go’antahay. Go’aanka uu qaatay Dr. Cali Khaliif Galaydh oo ah mid geesinimo ku dheehantahay waanu soo dhawaynaynaa haddaanu nahay xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, waanuna ku boogaadinaynaa inay garteen isaga iyo saaxiibadiiba in dadkiisu yihiin dad reer Somaliland ah, weligood iyo mustaqbalkana ay yihiin dad reer Somaliland, dantanta ummadda wada dhalatayna ay ku jirto wada noolaanshaha iyo nabadda,” ayuu yidhi Wasiir Caddaani, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Marka ay dhammaadaan wadahadallada Khaatumo oo aannu filayno in si qurux badan oo ay ku jirto danta qaranka, ta Khaatumo iyo danta Somaliland oo dhami ku jirto waxaannu rajaynaynaa in la isugu iman doono oo wadahadal beesha Dhulbahanto oo dhami ka qayb yihiin ay ka dhici doonaan magaalada Hargeysa ama meeshii kale ee la isla garto dalka Somaliland xataa halka Cali Khaliif joogo maanta waa meel furan marka la isla garto.”
Wasiirku waxa uu sheegay in wadahadalkan kooxda Khaatumo uu daba joogo gogashii nabadeed ee hore uu ugu fidiyey beelaha gobollada bariga Madaxweyne Siilaanyo, taas oo ay hore uga jawaabeen beelihii ka qaybgalay shirarkii Awr-boogays iyo Adhi-caddeeye ee Gobollada Sanaag iyo Sool ee bishii hore qabsoomay oo ay ka soo baxday natiijo fiicani.
Md. Caddaani waxa kaloo uu tilmaamay danaha qaranimada Somaliland ugu jira xallinta tabashooyinka saami-qaybsiga siyaaseed ee beelaha darafyadu qabaan, isagoo xusay in Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumaddiisa ay ka go’antahay in qaranku noqdo mid midaysan oo aan kala qoqobnayn, kana tago dal mid ah marka xilkiisu dhammaado.
“Anigoo ku hadlaya afka Madaxweynaha iyo xukuumadda waxaan doonayaa in aan la wadaago ummadda Jamhuuriyadda Somaliland in tabashooyinka jira ee ay qabaan beelaha darafyadu (bari iyo galbeed) in hoos loo eegayo oo tabashooyinkaasi, gaar ahaan saami-qaybsigu uu yahay mid miiska yaal, oo si ay ku jirto walaaltinimo, muwaadinimo iyo caddaaladdi loo eegayo oo looga wadatashannayo, meelna la isla dhigayo saami-qaybsiga tabashooyinku ka jiraan ee qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Markaa cid waliba ha ogaato saami-qaybsigu in aannu ahayn hadallo la tuurtuurayo ee in Madaxweynaha iyo dawladda uu madaxda ka yahay ay ka go’antahay in saami-qaybsigu uu yahay kii Qarankan isku tolayey ee walaalaynayey ee ka dhigayey dhammaystir,” ayuu hadalkiisa kus oo ururiyey Wasiirka Warfaafintu Md. Cismaan Caddaani.