Araweelo News Network

Hargeysa (ANN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxaned Siilaanyo, ayaa guddi wasiirro ah u saaray khilaaf ka dhextaagan shirkado ka mid ah kuwa ka ganacsiga korontada magaalooyinka lagu isticmaalo iyo Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta oo doonaysa inay dejiso nidaam lagu maamulo laydhka dalka.
Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Md. Xuseen Cabdi Ducaale oo isaga iyo masuuliyiinta kale ee wasaaraddiisu kulan la yeesheen Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Madaxweynuhu guddi xubno wasiirro ah u saaray baadhitaanka cabasho ay ka gudbiyeen qaar ka mid shirkadaha oo ka soo horjeeda qorshaha wasaaraddiisu wado ee lagu hagaajinayo nidaamka shaqo ee korontada la adeegsado.
Wasiir Xuseen Ducaale oo markii kulanka Guddiga Dhaqaalaha ee Wakiilladu dhammaday la hadlay warbaahinta, waxa uu meesha ka saaray doodda shirkadaha ee ah in shirkad gaar ah kooto loogu xidhayo ka ganacsiga korontada, isla markaana waxa uu faahfaahiyey halka uu salka ku hayso arrinta ay isku hayaan shirkadaha, “Xildhibaannada waanu uga warranay in aanay jirin shirkad kooto loo xidhay ee ay ahayd wareegto aannu shirkadaha oo dhan u dirnay oo aannu kula talinaynay inta sharciga la samaynayo ee uu soo baxayo aynu is nidaamino qaybta korontada oo aynu ku soo dabbaalno hagayaal caalami ah oo aynu isla qaadanno nidaam lagu shaqeeyo, arrintaas shirkadaha badankoodu way ku qanceen oo way aqbaleen. Sharcigii Korontada oo muddo dheer soo jiitamayeyna wuu naga dhanyahay oo Golaha Wasiirrada wuu ka gudbay, iminkana waxa uu layaalaa Xeer-dejinta (Golayaasha Baarlamanka), shircigaasi ayaa nidaam dalku yeesho ku hagaya adeegga korontada, laakiin inta ka horreysa masuuliyad baa naga saaran dalka maadaama aannu nahay Wasaaraddii shaqadan qaabilsanayd, in aannu kala-xadayn ku-meelgaadh ah samayno, taasina cid garabka saarimayso, cidna kama soo horjeedo ee waxaannu u eegaynaa nidaamkii ay adduunyadu u adeegsan jirtay ganacsiga korontada oo aannu ku hagaynaa, laakiin maaha shirkad baa wax loo xidhayaa oo shirkadaha kalena waa la dabrayaa,” ayuu yidhi Md. Xuseen Cabdi Ducaale, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Caddaalad iyo sinnaan baanu annagu ku wadnaa shaqada, cid aannu u eexanaynaana ma jirto, xildhibaannada Golaha Wakiilladu way eegeen ashkatadii wixii aannu ka nidhi. Waxa kaloo xataa Madaxweynuhu u saaray guddi wasiirro ah oo arrintaa baadhitaankeeda iyaduna ku jirta, markaa dad badan oo xilo-saamad ah baa hawsha ku jira, wixii fikir ah ee ay ka dhiiban karaana way hadhsan yihiin, laakiin annaga mowqifkayagu waxa weeye waxaa nalagu tilmaamay ee ay ashkatooyinku ka yimaadeen ee la yidhi suuqii xorta ahaa ayey ka soo horjeedaan iyo shirkado gaar ah ayaa loo xidhay, waxaannu caddaymihii u gudbinay xildhibaannada Guddiga Dhaqaalaha ee Wakiilladan oo iyaga ayaanay u taalaa inay ka garnaqaan oo wixii afkaar ah ay soo dhiibtaan.”
Waxa kaloo uu Wasiirku tilmaamay nidaam-xumada korontada lagu isticmaalo Somaliland oo ay ka mid yihiin fool-xumada xadhkaha laydhka ee magaalooyinka dushooda mara iyo khataraha ka dhasha, sidaasi darteedna ay wasaarad ahaan doonayaan inay u sameeyaan nidaam lagu hago oo ilaalinaya tayada korontada iyo ammaanka shacabka isticmaalaya, waxaannu yidhi, “Wareegtada Wasaaraddu soo saartay maaha laydh la galinayo guri cusub ama laydh lagu xoojinayo guri ballaadhan oo dabkii ka yaraaday, waxa laga hadlayaa waa mashruuc cusub shirkaduhu doonayaan inay soo jeediyaan ama inay koronto aad u xoog badan soo galiyaan magaalada, in la daraaseeyo oo la eego muxuu saamayn ku yeelanayaa bad-qabka, qiimaha macaamiishu ku iibsadaan laydhka maxay saamayn ku yeelanaysaa, shirkadaha ka ganacsanaya laydhku xadhkahooda iyo nidaamyadoodu maxay saamayn isku yeelanayaan? Nidaamkan ay wax ku wadaan ma waafaqsanyahay hagayaasha la doonayo in laydhku ku shaqeeyo? Waxyaabahaas oo dhan khubaro ka shaqaysa Wasaaradda ayaanu doonaynaa inay daraaseeyaan. Markaa haddii mashruucii cusubaa uu dadka anfacayo waynu u baahannahay, annaga wasaarad ahaan cidna saami kuma lihin ee waxa noo yaal, in shacabka Somaliland ay laydh jaban oo bad-qaba oo aan guryahana ku gubin iyagana dilin, waayo waxaynu ognahay bishiiba intaas oo guri ayaa gubta dalkeenna, intaas oo qofna way ku dhintaan ama ku dhaawacmaan nidaamka laydhka oo aad inooga kharriban awgeed, caasimaddeena waad aragteen, adduunyada caasimad dhisan oo xadhkaheeda korontada siiyaan sidaa yihiin ma jirto, markaa haddii la rabo in wixii la hagaajiyo oo xeer lagu soo dabbaalo maaha in la diido nidaamka.”
Dhinaca kale, Xildhibaan Cali Barre oo ka tirsan Guddi-hoosaadka Dhaqaalaha ee Golaha Wakiillada, ayaa isna sheegay in ay warbixin waafi ah ka dhegaysteen Wasiirka iyo masuuliyiinta Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta, “Markii aannu cabashadii shirkadaha dhegaysanayey ayaanu u yeedhnay wasiirka si aannu dhanka Wasaaraddana u dhegaysanno iyo bal waxa ay ka qabto waxa naloo sheegay, markaa labadii waraysi waanu qaadnay, haddaanu cid kale u baahanno oo hawshu nala gashana waanu waraysanaynaa, marka waraysigu noo dhammaado ee dhinac walba aannu hubinno oo dhukumentiyadooda iyo qoraallada eegno, maslaxadda ummadda aannu eegno ayaanu ka soo saari doonaa gunnaanad,” ayuu yidhi Md. Cali Barre.