Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, ayaa ka hadlay xaalada dalka Iyo khasaaraha Ka dhashay rabshado kooban oo habeen hore ka dhacay meelo kooban oo magaalooyinka Hargeysa, Burco Iyo Ceergaabo.

Sidoo kale, wuxuu Madaxweyne Siilaanyo ka hadlay doorashadii dalka Ka dhacday ee aan lasoo saarin natiijadeeda, isagoo fariimo kala duwan u diray Saddexda Xisbi Qaran ee ku tartamay doorashadda madaxtooyadda Iyo Sidoo kale Komishanka Qaranka Iyo Ciidmadda Ammaanka.

Madaxweyne Siilaanyo oo arrimahaa k hadlaya caawa, wuxuu yidhi, “Doorashada qaybteedii hore, waxay inoogu qabsoontay si qiimo badan, oo aduun-weynuhu inagu majeertay, isla markaana aynu ku helay, Magac weyn iyo Maamuus aan la soo koobi karin. Xilligii lagu jiray ololaha doorashada, waxaynu muujinnay ummad ahaan, in danta guud ee la wada leeyahay, ay ka horreyso ta gaarka loo kala leeyahay.

Dhinaca kale, waxaynu muujinnay bisayl balaadhan oo gaadhsiisan, in iyada oo la loolamayo, hadana la isku ixtiraamo kala duwanaanshaha aragtiyaha siyaasadda, isla markaana cid kasta loogu dulqaato dareenkeeda shakhsi. Waxaynu muujinay, in aynu nahay qaran qaan-gaadhay, oo dedaal iyo isku duubni ku meel-marin kara, hamigooda iyo himilooyinkooda siyaasadeed.

Soomaalidu, waxay ku maah-maahdaa “Biyo Gacmahaaga Ayaa Lagaga Dhargaa”

Sidaa darteed, ummad ahaan waynu isku tashanay, inaga oo ka soo doognay duruufihii iyo diiftii abaarta, hadana waxaynu dhabarka u ridannay, dhammaan kharashkii ku baxay doorashada, taas oo ahayd mid ugub ah. Waxaynu ku guulaysannay, in aynu isku jillo dhaqankeenii soo jireenka ahaa, iyo geedi socodkii dimuqraadiyadda, oo ahayd jid inagu cusub.

Waxaanu ilaalinnay, in aan hantida ummadda loo adeegsan ololaha doorashada. Sidoo kale, waxa war-baahinta Dawladda loo isticmaalay si siman oo xaq-soor leh. Doodihii maqalka iyo muuqaalka ahaa, ee dhex-maray Musharixiinta, iyo hab-dhaqankii xil-kasnimada lahaa, ee ay muujiyeen Madaxda iyo Mas’uuliyiinta Xisbiyada Qaranku, mudadii ololaha lagu jiray, waa mid mudan in aynu ku faanno, oo aan asaageen, aduunka wada qabin.

Waxaan leeyahay, qaran ahaan, maanta guul weyn ayeynu gaadhnay, taas oo uu ka markhaati kacayo nacab iyo nasteexba. Sumcad iyo sharaf weyn ayeynu ku helnay, qaabkii doorashadu dalka uga dhacday, taasna waxa si rasmi ah uga markhaati kacay, war-bixinta ay sii daayeen goob-joogayaashii caalamiga ahaa, ee kormeerka ku sameeyey gobollada iyo goobaha doorashooyinka dalka.Ma jirto, cid gaar u guulaysan doontaa, balse dhammaanteen waynu wada guulaysan doonnaa. Waxaan leeyahay, ummadaha gobta ah, manfac ma wada deeqo, ee waxa wada deeqa milgaha iyo magaca ay wada leeyihiin.

Sidaa darteed, waxa inala gudboon, in aynu adkayno amnigeena, isla markaana aynu wada-jir u ilaashanno libtaa iyo guushaa aynu mudada dheer guul-galka u ahayn. Waxaan hambalyo halkan uga jeedinayaa Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka iyo hawl-wadeenadooda, sidii ay u guteen xilkii iyo waajibaadkii saarnaa. Waxaan kula dardaarmayaa, in ay inta hadhay, guntiga dhiisha iskaga dhigaan, oo dedaalka iyo daacadnimada halkaa ka sii wadaan.

Dhinaca kale, waxaan ku adkaynayaa, in ay iska ilaaliyaan gudoon jilicsan iyo gar weecsan, ama gar eexo. Waxaan Shacbi-weynaha Somaliland ku hambalyeynayaa, sida ay gacanta buuxda u siiyaan goor kasta, Ciidammada ku hawlan sugidda amniga iyo difaaca qaranka. Sidoo kale, waxaan ku boggaadinayaa, deganaanshihii, dul-qaadkii, iyo bisaylkii ay muujiyeen, mudadii lagu jiray ololaha iyo maalintii codaynta.

Dhinaca kale, waxaan bogaadinayaa Ciidammada kala duwan ee Qaranka, oo ah geesiyaasha suurtagaliyey in doorashadu ku qabsoonto nabadgelyo iyo xasilooni. Waxaan hoggaamiye ahaan ka xumahay, in quruxdii iyo qiimihii, aynu samaynay, ay isku dayayaan shakhsiyaad koobani, in ay qoomaan. Waxa habeenkii xalay, qaybo ka mid ah suuqyada magaalada Hargeysa iyo Burco, rabshado ka sameeyey taageerayaal la kiciyey, iyada oo aan Guddida Doorashooyinku soo saarin wax natiijo ah. Rabshadahaasi waxay sababeen in dhaawacyo loo gaysto ilaa 19 Askari, oo ka mid ah Ciidammada.

Dhinaca kale, waxay sababeen dhimashada laba qof oo rayid ah, iyo in ay ku dhaawacmaan dhawr kale. Waxaan ka tacsiyadaynayaa, qoyskii iyo qaraabadii ay ka baxeen Marxuumiintaasi, waxaanan Eebe uga baryayaa inuu ka waraabiyo naxariistii janno. Waxaan guud ahaan, ka tacsiyadaynayaa Ciidammada Qaranka, ee ku hawlan adkaynta amniga, dhibaatooyinka kala duwan, ee ay kala kulmaan shacbigooda ay u adeegaan, habeen iyo maalinba. Waxaan ku guubaabinayaa, in aanay damqin duruufahaasi, isla markaana ay kordhiyaan sabirka iyo dulqaadka ay u leeyihiin dadkooda. Dhinaca kalena, ay xoojiyaan tudhaalaha iyo hab-dhaqanka fiican ee ay ku waajahayaan xisadaha ay wadaan dadweynaha qaar ka mid ahi.

Duco-qabayaal, waxaad ka dhigan-tihiin, Geed Dhagax lagu tuurayo, oo isaguna midho u soo daadinaya Qofkii Shiiday. Waxaan Shacbiga Somaliland u cadaynayaa, in aan loo dul-qaadan doonin, cid kasta oo isku dayda, in ay abuurto fidno iyo fad-qalallo, isla markaana, khal-khal gelisa amniga iyo deganaanshaha Dalka. Waxaan leeyahay shacbiga, is dejiya oo ha wel-welina, kalsoonina qaba, dhinaca kalena, ilaaliya nabadgelyada iyo xasilloonida.

Waxa reebban, in Xisbi gaar ahi ku dhawaaqo inuu guulaystay, ka hor inta aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada. Waxa reebban, in taageerayaasha Xisbiyadu sameeyaan debaal-degyo iyo mudaharaado toonna, ka hor inta aan Guddida Doorashooyinku ku dhawaaqin natiijada doorashada. Waxaan farayaa Hay’adaha Amniga, in ay daba-gal buuxa ku sameeyaan, dadka ku hawlan dibin-daabyada dalka iyo abuurista colaad sokeeye, waxaana waajib ah, in la horkeeno garsoor iyo cadaalad madax-bannaan.

Waxaan ugu baaqayaa, musharixiinta iyo madaxda Xisbiyada Qaranka, in ay xakameeyaan cadhada iyo caadifadda taageerayaashooda. Dhinaca kale, waxa waajib ku ah, in ay taageerayaashooda ka ab-hiyaan bannaan-baxyada iyo rabshadaha. Mar kale, waxaan ugu baaqayaa Xisbiyada qaranka in ay cabashadooda u maraan dariiq sharci, isla markaana u hoggaansamaan anshaxa iyo awaamiirta ay soo saaraan Guddida Doorashooyinka Qaranku. Waxaan leeyahay musharixiinta tartamaysa, ha filanina in aad guulaysataan qudha. Hasa-yeeshee, waa in aad filataan, oo cindigiina gelisaan, guul iyo guul darro”.

Wa Billaahi Tawfiiq.