xildgibandhugadHargeysa(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa ka hadlay geerida Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka mid ahaa Odayaasha ugu caansan, isla markaana ugu miisaanka cuslaa golaha Guurtida Somaliland.

Marxuumka oo ku geeriyooday Hargeysa 08/02/2015, ayaa kasoo qayb qaatay Halgankii dalka dib loogu xoreeyay ee ay hormoodka u ahaayeen halyayadii Ururkii hubaysnaa ee SNM oo dagaal adag la galay Taliskii Milateri ee Maxamed Siyaad Bare sanadihii sideetanadkii, kaas oo ugu danbayntii laga xoreeyay dalka.
sidoo kale Marxuumka, ayaa ka mid aha Odayaashii seeska u dhigay Nabadda iyo dhismaha Qaranimada Somaliland, isagoo aasaaskii golaha guurtida Somaliland ka qayb qaatay sidaana ku noqday Xubin ka mid ah Odayaasha guurtida oo uu waqtigan oo xaqa Alle u yimi ka mid ahaa.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa ka hadlay geerida Marxuum XildhibaanCabdullaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad), wuxuuna Madaxweyne Siilaanyo oo ka hadlaya geerida Odaygaa yidhi, “ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ku geeriyooday Hargeysa 08/02/2015

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarinta iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga iyo qarankaba, muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, labada golle ee guurtida iyo wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” Ayaa lagu yidhi qoraalka uu Madaxweyne Siilaanyo kaga hadlay geerida Marxuumkaa.
Sidoo kale Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Marxuumka iyo doorkii uu ku lahaa halgankii dib u xoraynta dalka iyo dib u dhiskiisa, wuxuuna sida lagu sheegay qoraal dhanbaal tacsi ah oo uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Kulmiye u qornaa sidan:-

“Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo xilka Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ka hoggaanka xisbiga, Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo guud ahaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE, waxaan tacsi u dirayaa, qoyska, ehelka, qaraabada, Golaha Guurtida Somaliland iyo guud ahaan shacabka Somaliland geerida Xildhibaan Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed Xirsi (Dhugad) oo galabta (08/02/2015) ku geeriyooday magaalada Hargeysa.
Marxuum Cabdillaahi Ibraahim Axmed (Dhugad) wuxuu rukun wayn oo ka baxay Somaliland, waxa uu door muhiim ah ka soo qaaday halgankii SNM ee dib-u-xoraynta Somaliland, waxa kaloo uu ka soo qaybqaatay nabadayntii iyo dib-u-heshiisiintii beelaha Somaliland. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa Golaha Guurtida Somaliland oo uu xubin firfircoon ka ahaa shaqada golahaasi ee odayeynta iyo nabadda dalka.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu Marxuumka ku abaalmariyo jannadiisa Fardowza, qoyska, ehelka iyo dhammaanteed shacabka reer Somaliland-na uu Ilaahay samir iyo iimaan innaga siiyo Aamiin…Aamiin…Aamiin.

 

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com