Araweelo News Network

madaxweynesilanyolBoorama(ANN) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, oo saaka safar ku tegay Xarunta gobolka Awdal ee Boorama, ayaa qaybgalay halka xaflad loo qabtay qalinjebinta Dufcadii 15aad ee Ardayda ka baxday Jaamacada Amoud University, kuwaasoo tiradoodu dhamayd 682 Arday.

Madaxweyne Siilaanyo oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey gobolka Awdal ayaa markii uu gaadhay hoolka xalfadu ka dhacaysay waxay Ardaydii ku sugnayd halkaa ku qaabileen dareen farxadeed.

muuqaalka Ardaydii dafcadii 15aad ee ka qalinjebisa jaamacada Boorama

muuqaalka Ardaydii dafcadii 15aad ee ka qalinjebisa jaamacada Boorama


Xaflada oo ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan oo ka socday hoggaanka dhaqanka iyo waalidiin tiro badan, ayaa socotay wakhti dheer, waxaana halkaa hadalo dardaaran u badnaa kasoo jeediyey, qaar ka mid ah waalidiintii ku sugnayd halkaas, maamulka Jaamacada oo uu ugu horeeyo Prof Saleebaan Cabdi Guuleed, Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Xubno ku hadlaayey Afka Ardayda Jaamacada iyo Gudoomiyaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha oo isagu halkaasi ka jeediyey khudbad ay la dhaceen Ummaddii halkaasi ku sugnayd, isagoo gudoomiyuhu Ardaygii Gudoomiyaha u ahaa Ardayda Baxday Sanadkan ka shaqaalaysiiyey Madaxtooyada Somaliland, Xusayna in Shan Sanno ka hor isaga uu Madaxweynuhu ka qaatay Isla jaamacadaasi isagoo ahaa gudoomiyihii Ardaydii wakhtigaasi baxday, balse uu maanta ku soo noqday isagoo ah Gudoomiyaha Hay’da ugu saraysa dalka marka laga hadlaayo dhinaca shaqaalaysiinta dalka iyo xuquuqda shaqaalahaba, taa abaalkeediina uu ku gudi doono daacadnimo iyo cadaalad uu u sameeyo da’a yarta iyo dadka tirsanaya in ay cadaalad daro ku waayeen aqoontooda ay soo barteen.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo xaflada shahaadooyin ku gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud ayaa yidhi ,”Farxad weyn ayey ii tahay in aan xafladan qalinjebinta ardayda intaa tirada leeg in aan idin kala soo qaybgalo ee Jaamacada Camuud, Waxan hambalyo balaadhan u dirayaa oon leeyahay Hambalyo Macalimiinta, Ardayda Qalinjebinaysa, Waalidkood iyo dhamaan shaqaalaha Jaamacada ee ku hawlanayd soo saarista Ardaydan qiimaha badan waxanan leeyahay aad iyo aad ayaan idinku hambalyeynayaa. Jaamacada Camuud waxa yaalaha ay qabatay waa waxyaabo dadkeena iyo dalkuba ku wada faanayo oo aynu gidigeen kuwada faanayno oo aynu markhaati uga nahay inay qiimo weyn iyo magac weyn iyo sharaf weyn qaranka u tahay, Annagana waxa weyn bay noo tahay waxa aanu jidkaa u soo marnay waa taa Ilaahay waxan ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, Waxanan idin leeyahay mar kale Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ilaahay garabkiina ha galo, guushana ha idin waafajiyo”. sidaasi ayuu madaxweynuhu ka yidhi munaasibadii loo qabtay Ardaydii ka baxday Jaamacada Camuud. Ka dibna waxa uu madaxweynuhu Shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii dhamaystay waxbarashadii jaamacada.

Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo, ayaa xadhiga ka jaray dhisme balaadhan oo ay wasaaradda Maaliyadu ka dhistay gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorama, halkaasoo noqon doonta xarunta Wasaaradda Maaliyada ee gobolka Awdal.