silayokahadlay55sanadood kadibHargeysa(ANN)Kulamo iyo shirar ilaa xalay ka socday qasriga Madaxtooyadda Somaliland oo u dhexeeyay Madaxweyne Siilaanyo iyo dhinacyada khilaafku ka dhexeeyo ee Xisbiga KULMIYE, ayaa sababay in Madaxweyne Siilaanyo guddi ka kooban shan xubnood u magcaabo xalinta khilaafka xsibiga.

Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda iyo hogaanka Xsibiga midna, balse sida ay sheegayaan warar shebekada Araweelo News News ka heshay ila wareedyo u dhow kulamadaa iyo qasriga Madaxtooyadda, waxa Madaxweynuhu kadib kulamo iyo doodo ilaa xalay socday oo la doonayay in xal loogu helo xisbiga kusoo gunaanaday inuu guddi ka kooba shan xubnood u magcaabo khilaafka xisbiga.

wararka la xidhiidha arrimahaa ayaa sheegaya in xubnahaa ay ka mid yihiin Wasiirka Gaashandhiga Axmed Xaaji Cali Caddami oo hore hoggaanka Xisbiga loogu xoojiyay si uu marjac ugu noqdo. sidoo kale waxa xubnaha ka mid ah Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Xasan Aadan, Cabdirisaaq Ciyaale iyo Guddoomiyaha Maamul wanaaga iyo la dagaalanka Musuqmaasaqa Axmed Muxumed Madar, balse xubinta shanaad ayaa la sheegay inay ka mid tahay xubnaha Komishanka Qaranka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380