sawirir madaxweyne

Laascaanood(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) iyo wefdi uu hogaaminayo muddo todobaad ah socdaalo ku marayay deegaamo kala duwan oo Somaliland ah, isla marakaana isaga talaabay galbeedka iyo bariga Somaliland safar dheer, ayaa saaka ku waaberiistay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Kulan Madaxweynuhu la yeeshay masuuliyiinta heer gobol iyo degmo, madaxdhaqameedka, Odayaasha iyo waxgaradka Sool oo ka dhacay Huteelka dhinaca Koonfurta ee Xamdi, kadib wuxuu booqday fadhiisinka ciidanka Qaranka ee jiida hore ee Ganbadha oo kulaalaya Garoowe, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka qaranka, wuxuuna markaa ka dib kusoo jiheeyay safarkiisa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer oo uu xalay u hoyday.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay gelinkii danbe xadhiga ka jaray qaybtii u horaysay ee wadada Laamiga Ceergaabo ilaa Burco oo dhismeheedu socday, ayaa xalay u hoyday Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, waxaana la filayay inuu socdaalkiisa muddada todobaadka ah ee uu ku marayay deegaamada galbeedka iyo bariga oo noloshoodu adagtahay isaga dab qaadayayay soo geba gebaynayo, balse saaka waaberigii ayuu mar kale safar aanay waxba ka oggayn wefdiga ku weheliya socdaalkiisu ku waaberiisteen xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood, iyadoo madaxweynaha iyo wefdigiisa si weyn loogu soo dhoweeyay, kahor intii aanay dhinaca Ganbadha ee Fadhiisinka Ciidanka Qaranka ee jiida hore booqan, taas oo noqonay booqashadii labaad ee Madaxweyne Silaanyo ku tago Sool tan markii uu ku guulaystay doorashadii 2010, isagoo 20111 sidan oo kale booqday fadhiisinka ciidanka qaranaka ee kulaalaya Garoowe oo xarun u ah maamul goboleedka Somalia ee Puntland, kaas oo uu maro xadka ay Somaliland la wadaagto Somalia, isla markaana Ganbadhe oo ah fadhiisinka uu booqday Madaxweyne Siilaanyo, ayaa qiyaastii wax ka yar 40KM u jira magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland.Araweelo News Network

Somaliland Office

info@araweelonews.com

jaamac132@gmail.com